Maamulka puntland ayaa ciidamo dheeraad ah waxaa ay geeyeen deegaanka garacad oo hoos yimada degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
Saraakiil ka tirsan maamulka puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyey deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.
Al-Shabaab ayaa horay u galay deegaanka Garacad ee gobolka mudug, waxaana la sheegay in hada ay jirto cabsi ku aadan amniga mudug.
Al-Shabaab ayaa hanjabaad u diray puntland taasoo ku aadan in ay k aarsan doonaan dhibaatadii kasoo gaartay puntland.
HALKAAN KA DHAGEYSO