DHAGEYSO:- Wasaarada Arrimaha gudaha oo sheegtay in ay go’aan ka qaadaneyso Odayaasha ka maqan Shirka Jowhar

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa dhinacyada ka maqan shirka Jowhar ka soconayo ugu baaqay iney ka qeyb galaan shirka.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, si loogu gudbo caqabadaha hortaagan.

Wasiir Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha dhaqanka Reer Hiiraan loogu baahan yahay in ay muujiyaan tanaasul isla markaana ka qeyb galaan shirka.

Waxa uu tilmaamay in Odayaasha Reer Hiiraan loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan maslaxada shacabka labada gobol.

Hoos ka Dhageyso Codka:-