DHAGEYSO:- Odayaasha Reer Hiiraan oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo Nabada iyo Amniga Gobolka

0

Qaar ka mid ah Odayaasha gobolka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Hiiraan ugu baaqay iney joojiyaan colaada dhexdooda ah isla markaana aysan dagaal dambe sameyn.

Waxay sidoo kale sheegeen in loo baahan yahay in nabad lagu wada noolaado isla markaana la joojiyo dagaalada iyo Colaada mararka qaar ka dhaceysay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Odayaasha ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn dagaal balse hacabka reer Hiiraan ay u baahan yihiin nabad iyo in xasilooni lagu wada noolaado.

Hoos ka Dhageyso Codka:-