DHAGEYSO FAAHFAAHIN:- Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku xasuuqay Gobolka Shabeelaha hoose

0

Ciidamada midowga Afrika  ee AMISOM ayaa la sheegay in ay afar qof oo rayid in ay ku dileen Buula mareer  oo katirsan oo gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa la sheegay in dadka kala dageen gaari ka dibna ay xabado ku fureen sida uu idaacadda Risaala u sheegay in mid ka mid ah dadka deegaanka.

Dadka kunool buulo mareer ayaa la yaabay falka ay ciidamdu ay ku dhaqaaqeen waxaana la sheegaya dadka la dilay ay kujirto haweenay 70 sano jir oo ka mid ahayd dadka buulo mareer kunool.

Dadka buulo mareer ayaa kacsan waxaana maamulka degmada oo aan la xariirnay ay noo sheegeen in ay  ku howlayihiin ayna ka warbixin doono falka ka dhacay buulo mareer.

HALKAAN KA DHAGEYSO