DAAWO:- Odaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo mar kale ka soo horjeestay Shirka Jowhar

0

kulan ay manta ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa odayaasha dhaqanka waxay ku qaadaceen shirkii wasiirka arimaha gudaha soomaaliya uu ka furay magaalada jowhar ee xarunta shabeellaha Dhexe.

dadkii  ka qeyb galay kulankii manta  ayaa dhamaantood isku raacay in aysan jirin  ergo ka tagtay Magaalada Baladweyne oo ka qeyb galay  shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe oo dhawan ka furmay wajiga labaad magaalada jowhar

odayaasha  dhaqanka  gobolka Hiiraan iyo  Dowlada Federaalka ayaa ku kala aragti duwan qaabka loo wajahayo dhismaha dowlada Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe  iyado dubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ay dowlada Federaalka ay ka dalbadeen  in gogasha shirka lagu soo wareejiyo Magalaada Baladweyne basle ila hadda aysan wax  jawaab ah ka bixin dowlada Federaalka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

0-1 1-27 2-26 3-24 4-21 5-20 6-19 7-16 8-14 Qarjab