TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo Amar ka soo saaray Dagaalada ka socda Deegaano ka tirsan Gobolkaasi

0

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yusuuf Axmed Hagar ayaa sheegay in dhinacyada  ku dagalamaya duleedka magaalada Beledweyne looga baahan yahay in ay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay ka shaqeeyaan nabada iyo hormarka deegaankooda.

Waxaana dhanka kale uu baaq u diray waxgaradka labada beelood in ay ka qeyb qaataan joojinta dagaal beeleydkaasi, iyadoo uu tilmaamay in dagaalkaasi gobolka uu ku soo noq noqday loona baahan yahay in xal rasmi ah laga gaaro.

Dagaaladan ayaa salka waxa ay ku hayaan arimo ku aadan dhul Daaqsimeed ay isku qabsadeen beelaha halkaasi dega.

Dagaaladan ayaa waxa ay ku soo aadayaan  xilli magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu ka socdo shirka dib uheshiisiinta waxgaradka ka soo jeeda Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO