Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar lagu qaaday guri uu ka degnaa magaalada Beled-xaawo xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada Beled-xaawo saakay ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, iyadoo xalay weerar Bambo gacmeed ah lagu tuuray guri uu ka degnaa magaalada Beled-xaawo,Waxaana dhaawac uu soo gaaray labo ka mid ah ilaaladiisa.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo Bile Wufood Ibraahim oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay howlgallo ay ka sameeyeen goobta xildhibaanka lagu weeraray.
Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ku sugan yahay magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, waxaana uu halkaas kulamo kula qaadanayay shacabka ku dhaqan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
HALKAAN KA DHAGEYSO FAAHFAAHINTA