DAAWO:- Wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka sanadlaha ee IMF

0

Shir sanadle ah oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta dunida ee IMF ayaa ka furmay magalada Washinton ee dalka Mareykanka kaasi oo ay ka  qeyb galeen wafuud kala duwan oo ka kala socota dowladaha caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkani waxaa uga qeyb galay wefdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Max’ed Aadan Ibrahaaim Farkeeti iyadoo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha caalamka, iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay ku talaabsanayso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Prof. Max’ed Aadan Ibraahim Farkeeti ayaa ka hadlay muhiimadda uu Soomaaliya  u leeyahay heshiis dhawaan ay la galeen hay’adda lacagta aduunka IMF oo ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Shirkan sanadlaha ah ayaa socondoona mudo maalmo ah iyadoo la filayo in natiijooyin wax ku ool ah   ay ka soo baxaan marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya,  oo ka mid ah ajandayaasha ugu muhiimsan ee shirkani looga hadlayo.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11