XOG:- Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul-wasaare Cumar oo isku afgartay in Xilka laga qaado Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya…MAGACIISA ?

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa la sheegay inay isla qaateen in Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federalka loo magacaabo La-taliyihii Gaarka ee Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe

Mas’uulkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Geelle ayaa loo magacaabi doonaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, isagoo beddeli doona Wasiirka haatan haya Wasaaradaasi ee Guuleed Xasan Qaasim.

Wareegtadda lagu magacabayo Wasiirka cusub, ayaa la sheegay in la diyaariyey sida ay ilo ku dhowdhow Madaxtooyadda iyo Xukuumadda Ay inoo sheegeen .

Geelle oo ay isku hayb yihiin Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in Xilka Wasiirka loogu magacaabayo si uu Kaalin uga qaato hagaajinta Xiriirka Dowladdaha Federalka Somalia  iyo Ethiopia oo haatan aan wanaagsanayn.

Calawsanaanta Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada Dowladood ayaana laga dheehan karaa Hab-dhaqanka Dowladda Ethiopia oo Xiriirka Dowladda ka door biday inay Xiriir Toos ah la yeeshaan Madaxda Maamul-gobaleedyadda, Sida  Puntland, Jubbaland  iyo Somaliland.