XASAASI:- Xildhibaan Samiira oo Weerar afka ah ku qaaday Wasiiro iyo Madaxda Dowlada oo ay sheegtay inay fureen Shir aan loo dhameyn

0

Xildhibaanada Samiiro Xasan Cabdulle ayaa wax laga xumaado waxa ay ku tilmaamtay furitaanka wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in ay aad uga xuntahay dad huwan Magac Masuuliyiin in shirkaasi ay furaan iyadoo kala qeybsanaan xoogan ay weli ka dhex jirto Odayaasha labada Gobolka ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Federaalka ay ku guul dareysatay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxaa kale oo Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle ay ku tar tarsiisay masuuliyiinta dowladda Federaalka in shacabka deegaanada labadaasi Gobol ay u Madax baneyso habsami u socodka shirka.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa shirka wajigiisa labaad uu ka furmay jowhar waxa uu ka sheegay in Odayaasha maqan wadahadal lala furo si ay shirka ugu soo biiraan.

Maalin ka hor ayey ahayd markii shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe wajigiisa labaad uu ka furmay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.