WAR DEG DEG:- Maamulka Jubbaland oo bandow ku soo rogay Kismaayo

0

Hogaamiyaha Maamulka Jubland ayaa Lamaha Amaaanka Magalada Kismaayo Wax uu Ku amray inay Magalada Bandow Lagu soo Rogo , Ka dib Kulan Amaanka Magalada Loga Hadalayo oo Ka soconayo Xarun Ay Leyihiin Ciidamada Amisom.

Kulan ayaa wax ka Qeyb Qadanayo Hogamiyaha maamulka Jublanda Axmed Madoobe , Madaxweyne Ku Xigeenka Jubalnd C/laahi Sh, Ismacil Fartaag Wasiirka Amniga Arimaha Gudaha Maamulka Jubland “Darwiish” iyo Saraakisha Amisom ee Ka soco Wadamada Itoobiyo iyo Kenya .

Wararka ayaa shegay in Magaalada Laga Daremayo Xiisad Coladeed ilaa iyo Markii La soo Xareyay Ciidamadii Tabacsanaa Col. Barre Hiraale, Waxaa Wararka intaas ku Darayaa in Maamulka Jubbalanada uu ka Carotay Ciidamada Lagu soo Xareyya Magaalada Kismaayo waxaa Magaalada Gudaheeda Lagu arkayaa Baabur ay saaran yihiin Ciidamada Jubbaland.

Bandawiga Magaalada  lagu soo rogay ayaa bilaabanaya Koow iyo Tobanka Galabnimo,iyadoo uu gaarayo ilaa Salaada Subax ee berri.