Wararka naga soo gaaraya Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Goor dhaw Qaraxyo lagu Weeraray Guriga Degmadaasi uu ka dagan yahay Xildhibaan C/fitaax Nuur Mataan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.
Qaraxyada ayaa ahaa Bamka Gacanta laga tuuro,waxaana Goobjoogeyaal ay sheegeen in lagu Weeraray Hooyga Baled-xaawo uu ka dagan yahay Xildhibaan C/fitaax Nuur Mataan.
Wali lama Oga Khasaaraha ka dhashay Weerarka Qaraxyada ah ee Caawa lagu Weeraray Xildhibaan C/fitaax Nuur Mataan oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.