DHAGEYSO WAREYSI:- Qarax ka dhacay degmada Afgooye iyo Khasaaro ka dhashay

0

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay ayaa goor dhaw ka dhacay Suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa Bam Gacmeed ayaa waxaa lagu tuuray Ciidamo ka titsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo Suuqa Xoolaha ee Degmadaasi ka qaadayay Lacag Canshuur ah sida ay sheegeen Goobjoogeyaal.

Saddex Qof ayaa ku dhintay Qaraxa,waxaana ku dhaawacmay ilaa Afar kale.

Dadka dhintaya ayaa Labo kamid ah lagu sheegay Ciidamadii Qaraxa lagu tuuray,halka Qofka kale uu yahay Qof Shacab ah,iyadoo Dadka dhaawacmayna ay isugu jiraan Shacab iyo Ciidan.

Sidoo kale Waxaa halkaa ku baaba’ay  Xoolo lagu iibinayay Suuqa Weerarka lagu qaaday.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Baaritaano ka sameeyay Suuqa ay Mashaqadu ka dhacday,mana jirto cid loo soo qabtay Qaraxa.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-