DHAGEYSO WAREYSI:- Taariikh nololeedkeeda Fanaanad Caan ah oo Muqdisho ku geeriyootay

0

Allaha u naxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fannaanadda Marwo Cabdi Axmed oo ka mid ahayd Hoboladii Qaranka ee Waaberi.

Fannaanadda oo laba cisho ka hor uu xanuun ku yimid, ayaa Fiidkii Hore ee Xalay ugu geeriyootay xaafadda Ex Fiyoore ee Degmada Wardhiigley, xilli sida la sheegay ay xaaladeedu u muuqatay mid ka soo reynaysay.

Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux Wehliye ayaa Xaqiijiyay Geerida Fanaada,ayaa sheegay in shalay uu ku soo booday Matag,ugu dambeyna u dhimatay xalay fiidkii.

Waxa uu sidoo kale ka Hadlayaa Aqoonta uu uleeyahay Allaha unaxariistee Marwo Cabdi Taariikhdeeda Dhanka Fanka ah,waxaana uu sheegay in uu bartay sideetameeyadii.

Abwaan Xirsi Dhuux ayaa Sheegay in isla Maanta Marxuumaada Lagu Aasi Doono Magaalada Muqdisho.qaban qaabada aaskana ay wadaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-