DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Caruurta Shabaabka ah ee ay hayaan Maamulada Puntland iyo Galmudug

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku amray Waalidiinta dhalay Caruurta Shabaabka ah ee lagu qabtay Dagaaladii Puntland iyo Galmudug ay la galeen Shabaab in ay doontaan islamarkaana ay mar kale dib ula midoobaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Caruurtaas aan la dhibaatey oo si wanaagsan loola dhaqmay lana dhaqan celiyay.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa Tilmaamay in Waalidki dhalay Caruurta ee Xoogga looga soo watay ama Maskaxdooda la duufsaday ay hadda u furan tahay in ay ubadkooda soo wataan oo ay u muujiyaan Galgaceylkii Waalidnimo.

“Waalidiinta Caruurtoodii laga soo xaday ama laga soo xoogay waxaan leenahay u imaada Caruurtiina oo arka sida ay ku nool yihiin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dagaalo ka dhacay Galmudug iyo Puntland ayaa Labadaasi Maamul waxaa ay qabteen Maxaabiis ka tirsan Shabaabkii Weerarka ku qaday oo waliba u badan Caruur aan qaangaarin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-