AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka ka soconayo Jowhar

0

Odayaasha  ka soo jeedo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa maaanta waxa ay shir ku leeyihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellada Dhexe.

Shirkaani ayaa maanta looga hadli doonaa arimo la xiriira dar-dargalin howlaha maamul usameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellada Dhexe.

Wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si rasmi ah u furay shalay wajiga 2-aad ee shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiraan.

Shirkan oo muddo labo bilood ah hakad ku jirey ayaa ugu dambeyntii waxaa  shalay  furay wasiirka arimaha gudaha ku xukumaada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa furitaanka wajiga 2-aad ee shirka maamul u sameynta labada gobol qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya.