DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo weerar Khasaare geystay ku qaaday deegaanka Ceelbaraf

0

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabelaha Dhexe, ayaa sheegaya in Xoogaga Shabaab xalay weerar qorsheysan ay ku qaadeen deegaankaasi Ceelbaraf.

Weerarkaan oo ahaa mid ciidamada Shabaabka ay gudaha ugu galeen deegaanka Ceelbaraf, ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka shacabka ah.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday, sidoo kalena hal ruux ayaa ku dhaawacmay oo ka mid ah dadka deegaanka, kuwaasi oo rasaasta ay ugu tagtay guryahooda, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Qof ku sugan Deegaanka Ceelbaraf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay weerarka Shabaab inay ku qaadeen Halka loo yaqaan Carakawaada oo ciidamada Amisom ay degan yihiin.

Lama oga Khasaaraha soo gaaray ciidamada Amisom ee deegaankaasi ku sugan, kuwaasi oo weerarka lagu qaaday, sidoo kale waxaanan la ogeyn Khasaaraha Shabaabka soo gaaray.

Xaalada Deegaanka Ceelbaraf ayaa saaka ah mid degan, balse dadka waxa ay ka sheekeynayaan dagaalkii xalay ka dhacay Deegaanka Ceelbaraf.

Deegaanka Ceelbaraf waxa uu ka mid yahay deeganadii ugu dambeeyay ee Shabaab laga qabsado oo ka tirsan Gobolka Shabelaha Dhexe.

Hoos ka Dhageyso Codka:-