AQBALKII PUNTLAND 4.5 IYO GUMAYSIGII REER YURUB OO SOO LAABTAY MARLABAAD.

0

Waxaan si kooban halkan uuga hadlayaa laba qodob oo kaliya,kuwaas oo kala ah sidan.

1.Aqbalkii puntland sixiixday qorshaha doorasho ee soomaaliya sanadkan 2016.
2. Gumaystayaashii reer yurub ee soomaaliya shalay katagay oo maanta dib uugu soo laabtay.

1. Puntalnd way ku jirtaa go aanka 4.5

Waxaynu wada ogsoonahay in puntland ay qayb ka ahayd shirar dhawr ah oo ka dhacay dalka gudihiisa,gaar ahaan kismanyo iyo mogdisho oo ku saab sanaa soo xulida xubno baarlamaan cusub iyo doorashada madaxwaynaha sanadkan 2016 ka.hadaba waxaa dawlada fadaraalka iyo maamulo goboleedyada fadaraalka hoos tagaa isku mari waayeen laba qaab oo kala haa 1. in wax lagu soo xulo ama dhiso nidaam ama hab dagmo iyo 2. in wax lagu soo xulo ama dhiso lama yaqaan 4.5 oo ah qabiil ku dhis dawlad. hadii arimahaas lagu kala aragti duwanaaday laysku mari waayay oo lays qancin waayay siday sheegteen kadib waxaa yimid go aan kaas oo ay qaateen dawlada fadaraalka ah madaxdeeda sare madaxwaynaha fadaraalka xasan sheikh iyo raysalwasaare cumar mabdi rashiid cali sharmaarke.

Go aanka dawlada dhexe ee fadaraalka ahi waxa uu ahaa in laqaato 4.5 laguna soo xulo xubno baarlamaan oo iyagu doorta madaxwaynaha fadaraalka sanadkan 2016.waxaa taageeray beesha caalamka iyo maamul goboleedyada oo dhan oo arinkaa go aanka ah wada sixiixay,waxaana kamid ah puntland,galmudug state,jubalnad iyo koonfur galbeed. dawlada madaxdeeda sare sida xasan iyo sharmaarke waa ku dhawaaqeen in ay go aankaa gaareen iskuna raaceen dhamaantood in la qaatay 4.5,sidaa si lamid ah waxaa ku dhawaaqay in laysla qaatay arinkaa oo laysku wada raacay ergayga siyaasada soomaaliya u fadhiya beesha caalamka Michael,kadibna Unatnationka ayaa lagaga dhawaaqay go aankaas laysla wada qaatay oo soomaali isku raacday. halkan waxaa xusid mudan ma jirin xusid lagu sheegay in uu jiro maamul kamid ah fadaraalka oo meesha shirkaa fa dhiyay oo diiday.marka laga reebo hadalo afka baarkiisa ah oo aan ahayn wax sharciyaysan oo dr gaas si dadban u sheeg sheego in aysan qaadanayn 4.5.

Hadaba hada waxaa jooga puntland raysalwasaare sharmaarke oo ah nin siyaasi ah jecel in soomaaliya ay ka baxdo dhibka dawlad la aanta iyo qalalaasaha siyaasadeed.waxa uu ogyahay horana inoogu sheegay sharmaarke oo ah nin warkiisu cad yahay in puntland ay kamid tahay heshiiska dawlada dhexe iyo dawlad gobeelyadu isla gaareen ee ah go aankii dawlada 4.5. waxa uu sharmaarke fahmi layahay or oradka iyo buuqa aan loo baahnayn ee kabad badinta ah.waxaana hada shacabka puntland loo cadeeyay xaqiiqdii jirtay ee dr gaas qarinayay puntland shacabkeeduna hada wixii kadanbeeya waa ka bogsadeen riwayadii uu dhigayay dr gaas. sharmaarke wax dan gaara uu ka leeyahay majirto puntland isagu waa raysalwasaare qaran soomaaliya oo dhan buu matalaa hormar iyo dawlad nimo ayuuna rabaa.puntland kuwa dhuumaalaysiga iyo fulaynimada ku hayaa haga daayeen adkaysina hayeesheen,shacabkana heshiis ay ku jiraan waa diidnayda beenta ah haka joojiyeen. maqaalo farabadan ayaan ku sheegay in puntland ay kamid tahay sixiixayaasha 4.5 dr gaas umatalayay sidan ayayna ku dhamaan hawshu wax cusubina majiro,wax laga gorgortamaana meesha mayaalo oo go aan baa hore u dhacay rag isla wada gaaray.puntland wareer intaa kabadan iyo been intaa kabadan uma sii baahna.

2. Gumaystaha reer yurub iyo ku soo laabashadiisa soomaaliya
Dalkeenu waa dal ay reer yurub xiliyo hore sahamiyeen,maadama ay haysan jireen oo gumaysan jireen kala qaybsadeen dhulkeena 1884 magaalda baarliin oo ay yurub ahaan ku heshiiyeen dhulka soomaaliya siday ukala qaadan lahaayeen khayraadkiisa.1960 kii ayay kabaxeen dalkeena kadib markii ay la kulmeen baraarugii xoriyad doon ee wadaniyiintii soomaaliyeed.waxay soomaalidu ka dhiidhiyeen horarkii dhiigmiiradka ahaa ee dadkiina laayay,duunyadiina dhacay.waxay wadaniyiintii xornima doon ee soomaaliyeed fahmeen in dhulkoodii lagu soo duulay,lakala qaybsaday ayagoon waxba laga waydiin dhulkooda,waxay ogaadeen in dhulkooda la doonayo in laga faa iidaysto cimiladiisa,barta uu kuyaal oo muhiim ah,khayraadkiisa,dabiiciga ah,sida xoolaha,dhulbeereedka,khayraadka bada,macdanta kala duwan,shidaalka ku jira bada iyo barigaba.waxay fahmeen in laysku dirayo dadka soomaaliyeed ee qabiil qabiil laysaga horkeenayo si xoogooda loo kala jabiyo loona guumaysto markaa. fahankaa wadaniga ayaa keenay in gumaysigii ka tago dhulka soomaaliyeed iyadoo aan baryo ahayn. waxa dhulkan u soo dhimatay boqolaal kun oo soomaali ah rag iyo dumarba leh kuwaas oo naftooda u huray xoriyada aan maanta isaga ciyaarayno oo dayacnay.

Qorshaha soomaaliya loo dagay waa in diinta horta laga fogeeyo,oo laga dhigo diin laawayaal iska nool ama loogu yeero ilbaxnimo.arintan oo dadkii lagaarsiiyay si ay diinta uuga cararaan kadib markii la abuuray oo la dhisay lana maal galiyay urur diin sheeganaya oo afka duuban oo gawracaya qofkastoo soomaaliyeed,haduu yahay caruur,haduu yahay waayeel,haduu yahay sheikh diimeed,haduu yahay dumar intaba waxay dhaafayaan majiro,wax kasta oo iyaga aan ahayn waa dilayaan,taa macnaheedu waxaa weeye in laga cararo diin cidkastoo wada.nimankan dilaaga ahi waa nimanka u sahlaya in ay yurub dhex joogaan soomaaliya oo faragaliyaan arimaheena waxayna marmarsiiyo ka dhigtaan argagixiso ayaa joogta soomaaliya. markaa marabaan in laga waayo ururkaa ay sameeysteen soomaaliya oo hada yurub way ka naxeen markii puntland la sheegay inay nimankaa ka dhigeen rah maroodi ku joogsaday!! waxaa puntland fashishay in ciidanka soomaalidu iska celin karaan oo isaga filan yihiin afduubkaas dilaaga ah. dadka caalamka hada qaarbaa iswaydiinaya durba oo maxaa malaayiin dolar loogu bixinyaa AMISOM ama ciidamada afrikaanka ah oo loo siin layay ciidan soomaaliyeed si ay isaga celiyaan afduubka?

Gumaysiga reer yurub wiilal yar yar buu ka dhigtay ciidan,oo soomaali ah oo dhimanaya,qaarna waxa uu leeyahay dawlad baa tihiin oo dhimanaya,waana qorshe dabar goyn ah oo ku wajahan soomaalida. labada dhanba soomaali baa la dabar goyanayaa oo ku dhimanaysa nasiib daro.maxaa hadaba laynoo dabar jarayaa? waa dhaqanka reer yurub inay umad dalkeeda uugu yimaadaan oo dabar jaran gabi ahaanba maha wax cusub ogaada. waa caadadiis,waa xaasid,waa damaaci,waa iimaan laawe, waa illaahay ma yaqaane,waa midabkala sooce, waa shaydaan, waa ehelka naareed, waa xaqiir. dib u jaleec qaarada ustaraaliya waxaa kunoolaa oo buux dhaaf ku ahaa dad madaw oo afrika kabadan waa utageen cadaanka reer yurub waa dabar gooyeen,xataa markay ku daaleen layntoodii waxay u isticmaaleen talaal oo waa sumeeyeen,qaarna waxay ku dureen irbad madhalayska dhigaysa xooyada. waxaa xusid mudan iyo xasuus xanuunbadan waxay go aamiyeen in hooyada ladilo ileen waa beertii wax soo saaraysay ee kadibna nagbay ka dhigeen dumarkii halkaas ay oborjiiniskii madoobaa ku dabar go een gabi ahaan toodba. kadib dhulkii yurub baa ku raaxaysanaysa oo dhaxashay.

Dadkii guduudnaa ee qarada amerika daganaa,gaar ahaan wadanka maraykanka away? waxaa la go aamiyay in la dabar gooyo dhulkana la dhaxlo,waa la xasuuqay oo la dabr jaray hada halmalyan ayaa ka nool oo kaliya. dhulkiina waa la dhaxlay oo yuurb baa dagtay oo qaadatay. ha dhayal san fiiri ninkaan dhaqankiisa.hada dhulkeena waxaa inagu socda dabar goyn dadban.laynooma ogola in aan dawlad yeelano ciidan dhisano waa layna dabar gaoynayaa ogaada.hada waad wada daawateen sida xalane loo qootay oo xamar laga dhigay meel nabad ah oo lagu raaxaysto iyo meel qarax iyo dhib ka taagan yahay.dhulka ay qaaten yurubku waxaa dawlad ku sheegta xasan uu u sixiixay inay dhulkaa dhistaan,heshiiska waxaa kamid ah in aan qof soomaali ahi ka shaqayn karaynin iyo in aan qof asal ahaan kasoo jeeda soomaali oo kayimid yurub iyo ameerika ama dibada uu san ka shaqayn karin? dhulkoo dhan sidan ayay ka rabaan inay ka dhigaan oo dhaxlaan dadkii lahaana u diidaan. dhulkeenii ayuu durba ina leeyahay kama shaqaynkartaan!!! maxaad u malaynaysaan sanado kadib? soomaaliya waxay u baahantahay isdaba qabasho dag dag ah iyo xisbi qarsoon oo wadani ah lageeyo gobol iyo duulo walba dal iyo dibad adeer dalkeenii waa lahaystaa dadkeeniina waa la adoon sanayaa.wadaninimo ayaa la rabaa iyo maskax xoraysa dalkeena.

Hadafka guumaysiga reer yurub karabaan soomaaliya waa in ay dagaan dhulka,ganaacsi iyo dalxiis xeebaha ah kasamaystaan,shidaalka la soo baxaan.duuduub ahaan waa dhulkay rabaan,si tan loo gaaro waa in dadka soomaaliyeed la dabar gooyo inta yar ee soo hartana,loo diido shaqo iyo inay si sharafleh u noolaadaan. Madaxwayne xasan iyo madaxda dalka waxay adeegayaal u yihiin yurub oo waa niman lagu shaqaysto oo danaha shisheeye fulinya yaan lagu khaldamin inay soomaali inala yihiin afkeenana ku hadlayaan.

Yuusuf Cumar
Email:Mashruuc5@hotmail.com