Dowlada Turkiga oo shaacisay cidii ka dambeysay Qaraxyadii ka dhacay Dalkeeda

0

Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in in weerarkii shalay oo sabtii ahayd lagu qaaday Istanbul u fuliyay qof xiriir la leh Kooxda Dawladda Islaamka.

Waxaa ay sheegayaan in shan qof oo kale lasoo qabtay kuwaas oo lala xiriirinayo qaraxaasi ka dhacay goob mashquul badan oo laga dukaamaysto oo ku taalla magaalada Istanbul.

Waxaa Weerarkaasi ku dhintay afar qof oo uu ku jira ninka weerarka soo qaaday.

Dadka dhintay waxaa kamid ah laba qof oo Israa’iil u dhashay, oo sidoo kale baasaboor Mareykan ah haystay iyo qof Iiraan u dhashay.

Qarax weyn oo magaalada Ankara ka dhacay isbuucii tagay oo dad badan ay ku dhinteen waxaa sheegatay kooxda kurdiyiinta.

Bishii January, qof isqarxiyay oo loo maleynayo inuu Daacish ka tirsanaa ayaa 15 qof oo dalxiisayaal ah ku dilay Istanbul.