Maxay tahey muhiimadda ay Puntland u leedahey Urarada Arga-gixisada.?

0

Waa muhiim in’ aan ogaano in Al-qaacida iyo Ururada kale ee Arga-gixisada ah qorshahooda fog ( Straregy) uu yahey in ay qabsadaan Silsiladda Buuraleeyda Goolis oo ah dhulka u dhaxeeya Caluula ilaa Buurta Shiikh.

Buuraleyda Silsiladda Goolis waxay ka mid tahey meelaha Dunidda ugu muhiimsan, waa Buuro waa wayn leh Biyo iyo Baadba iyo waxkasta oo qof Bini-aadam oo daggaal ku jirana u baahanyahay. Waa Buuro Baaxadoodu dhantahey ku dhawaad 1000KM. Waa Buuro isku xira Badda Hindiya iyo Badda Cas, waana Buuro ku foorara dhulka Jaziiradda Carabta oo ay si sahalan uga adeegan karaan urarada Arga-gixisada ah una sahali kara in ay isku xirmaan Arag-gixisada kale ee ka howl gala Jaziiradda Carabta. Waxa kale oo dhulkaasu muhiim ugu yahey nimankaas in ay khal-khal galiyaan marinka Gacanka Cadmeed oo ka mid ah marinada ugu mashquulka badan Dunida.

Haddaba maxaa la gudboon Dadka iyo Dowladda Puntland?:.

1. Wali Dowladda Puntland si rasmi ah ulama hadlin Dadkeeda, gaar ahaan arrinta hadda taagan.Marka waa in Dowladdu si rasmi ah ula hadashaa dadkeeda, wax u sheegtan, uga digtaa khatarta soo food saartey, waana in ay abaabushaa Bulshada. Haddii aadan dadkaaga wax u sheegin, waxaa ka fiideysanaya cid kale.

2. Dadka shacabka ah waa in ay u toog hayaan khatarta, waana in ay ogaadaan in wax walba ka wayntahey Nabada, midnimada iyo sharafta Puntland. Waa in midnimo iyo wada jir la muujiyo, waana in laga hortago hadalada iyo ficilada raqiis ka ah ee dadka niyad jabinaya.
Eebow sidii roon.

Adoroose arrimaha tagan markaas”‘
Maxamad Cabdiwahab Axmed (Daad-san)
Email–mabdiwahab11@gmail.com