MAQAAL: Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

0

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo asbaabihii keenay burburkii ku dhacay Dowladdeenii xoogga badneyd iyo waliba dagaalkii sokeeye ee xigay. Arintan ayaa igu dhalatay ka dib markii aan arkay in lagu mashquulsan yahay ka hadalka waxyaabo aan macno lahayn sida 4.5, federalism, doorashada 2016 iyo waliba la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada, halkii ay ahayd in laga hadlo asbaabtii keenay dhibaatadan sii baahaysa.
Ma jiro dunidan dal burburay oo aan dadkiisu ka hadal asbaabihii keenay burburka dalkooda. Waayo marka laga hadlo arintaasi waxa ay keenaysaa in marka hore la fahmo wixii keenay burburka iyo waliba ciddii ka danbaysay. Waxa ay sidoo kale keenaysaa in xal loo radiyo dhibaatadii dhacday, Laakiin taasi waxa ay dhacaysaa marka ay dadku yihiin dad soojeeda oo uu caqligoodu shaqaynayo.

 

Qeybta hore ee qormadan, Ayaa waxa aan kaga hadli doonnaa haddii uu Rabbi idmo asbaabihii keenay burburka dowladnimo, iyo waliba dagaalkii sokeeye ee xigay. Halka qeybta danbe ee qormadana aan kaga hadli doono waxa xal u noqon kara dhibaatada Soomaaliya, Anigoo waliba dhinacyo badan wax ka eegayo, Si looga baxo mishkiladdan dabadheeraatay ee halista ku ah jiritaanka Dalkeenna iyo Dadkiisa.
Maadaama aan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo xog-ogaal u ah xaaladda Dalka, Dadka iyo waliba wixii dhacay. Markan muddo baarayey asbaabihii keenay dhibaatadan, Waxaa runtii ii soo baxday dhowr arimood oo aan isleeyahay waxa ay sabab u ahaayeen wixii dhacay. Waxa ayna arimahaasi kala yihiin kuwa soo socda :-

1-U hogaansan la’aan awaamiirtii Alle: Qodobkan, ayaa waxa uu keenay wixii ka dhacay Dalka, Waayo waxaa laga tagay u hogaasanaantii Alle. Tusaale ahaan, waxa ay ahayd markii la qaatay xuriyaddii, in la dhaqangeliyo ku dhaqanka diinta, oo runtii ah waajib saaran bulsho kasta oo Muslim ah, Laakiin nasiibdarro waxaa dhacay, in la qaatay qawaaniin laga soo minguuriyey dalal shisheeye sida Soofiyeetka oo kale.

2-Dulmi baahay: Sababkani, ayaa waxa uu isagana keenay musiibadii dhacday. Tusaale ahaan, Waxaa gacanta la iskaqaban waayey dulmigii ka dhex jiray Bulshada iyo waliba Dowladdihii dalka soomaray. Waxaa la isku adeegsaday wax kasta oo la heli karay. Waxaa sidoo kale la isku dulmiyey magacii dowladnimo ilaa la gaaray heer dadka la iska dilo, la iska xiro bilaa danbi sida haatanba ka taagan meelo badan oo Soomaaliya ah.

3-Cadaaladdarro: Waxaa baahday cadaaladdarradii ilaa ay soo baxday bulsho kala heer ah, halka ay wax caadi ah iska noqotay ku takrifalka wixii ka dhaxeeyey Umadda. Waxa ay taladii u gacangashay shaqsiyaad iyo kuwa ku hareeraysan. Waxaa la samaystay maxkamado military oo dadka lagu aamusiiyo, sida haatanba ka taagan meelo badan oo Soomaaliya ah (ninka Aniga iyo Kooxdeyda ka ka soo horjeeda waa Shabab iyo argagaxiso)

4-Ku tagrifal awoodeed: Sababkani ayaa waxaa uu isagana keenay dhibaatadii ka dhacday Dalkeenna, Waayo waxaa si khaldan loo isticmaalay awooddi dowladnimo. Waxaa la diiday waxa alaale iyo wixii talo ahaa ee la soo jeediyey. Waxaa lagu dhagay xukunkii, iyadoo dhinaca kalena si khaldan loo isticmaalayo dhaqaalihii ka dhaxeeyey Umadda sida haatanba ka taagan meelo badan oo Soomaaliya oo ay ku jirto Villa Soomaaliya.
Waxaa la diiday in dalka lagu dhaqo rabitaanka Umadda Soomaaliyeed, sida haatanba ka taagan magaalooyinka Hargeysa, Garoowe, Cadaado, Muqdisho, Baydhabo iyo waliba Kismaayo, Kuwaasi oo lagu dhaqayo rabitaanka Beesha Caalamka iyo waliba dowladaha Dariska ah sida Itoobiya oo kale. Balse waxa ay su’aali ka taagan tahay in dal lagu maamuli karo rabitaanka dad shisheeye.

4-Musuq-maasuq baahay: Qodobkan, ayaa isagana kaalin weyn ka qaatay burburkii ku dhacay Dowladdeennii xoogga badneyd. Bal ka warama marka uu musuq-maasuqu wax caadi ah ka ag noqdo dadkii gacanta ku hayey taladii Dalka, gaar ahaan xafiisyadii Dowladda? Dowladse ma jiraysaa marka uu cudurkaasi ku faafo hay’ado dowladeed ? Abadan.
5-Fisqi iyo Qabyaalad farabaxsatay: Labadan sababood ayaa iyagana kaalin weyn ku lahaa dhibaatadii dhacday. Bal ka warama marka uu fisqi ku dhexfaafo bulsho Muslim ah oo waliba kuwa ugu darani ay yihiin kiwii talada hayey. Markaad la sheekaysato dadkii qeybta ka ahaa Dowladihii dalka soo maray, Waxa ay runtii kuu sheegayaan wax aad la yaabto oo dhinaca fisqiga ah. Ma jirtaa musiibo ka weyn marka uu wasiir noqdo midka laga barto dhaqan-xumida ?

Dhanka qabyaaladda, iyada ka sheekeyn ma leh, waayo waxa ay ahayd middii lagu cabirayey wax kasta oo saamaynayeynolosheenna, haddii ay ahaan lahayd siyaasad, waxbarasho, dhaqaale iyo waliba guur. Waxa ay sidoo kale qabyaaladdu noqotay albaabkii ay dalka ka soo galeen cadowgii (itoobiya iyo Kenya) Umadda iyo waliba kuwii u shaqeynayey ee ay ka mid ahaayeen Jabhadihii SSDF, SNM, SPM, USC, SDM iyo waliba kuwii Iyaga ka danbeeyey ee ay ka mid tahay kooxda (ilmo gabre) maanta horboodeysa Soomaaliya.
Arimahan aan soo sheegay iyo kuwa kale oo lagu darayba, ayaa keenay burburkii ku dhacay Dowladdeenna iyo waliba dagaalkii sokeeye ee xigay. Waxa ay sidoo kale arimahani yihiin kuwa maanta hortaagan nabad iyo dowladnimo ka dhalata Soomaaliya, balse aad mooddo in laga warwareegayo xal u raadintooda ujeeddo kastaaba ha laga lahaadee.
Haddii la doonayo in xal loo helo arimaha Soomaaliya, waa in marka hore la baaraa wixii keenay dhibaatada iyo waliba ciddii ka danbeysay. Waa in la baaraa wixii ku dhaliyey walaalaheenna reer Waqooyi in ay hubka qaataan. Waa in sidoo kale iyagana la baaraa sababta ay u socdaan dagaaladan sokeeye ee maanta ka socda Dalkeenna ee ay qeybta ka yihiin dhalinyaradan wadaada ah. Ma iyagaa gardaran mise waa laga gardaran yahay ?

Anigu, Waxaan qabaa in la joogo xilligii lagu soo dhawaan lahaa dhibaatada ka taagan Dalkeenna, oo la iskadaayo warwareegga iyo sheeko-baralayda (federaal. 4.5, doorasho 2016 iyo la dagalankan waxa loogu yeero argagaxisada) meelahan lala wareegayo. Waxaan sidoo kale qabaa in arinta Soomaaliya ay noqoto mid local (maxali) ah si xalkeedu uu u noqda xal local ah. Of course, kama dhigi katid dhibaatadaada mid caalami ah, waayo taasi waxa ay xalka ka dhigeysaa mid caalami ah waa haddaad caqli leedahay.

Mar haddaannu soo sheegnay asbaabihii keenay burburkii ku dhacay Dowladdeenni xoogga badneyd iyo waliba dagaalkii sokeeye ee xigay, Hadaba maxaa xal noqon kara ? Anigu, Waxa ay ila tahay runtii in marka hore la baaro asbaabihii keenay dhibaatada, ka dibna loo raadiyo xal ku habboon sida ay dadyowga kaleba sameeyaan.

Gaba gabadii iyo gunaanudkii, Waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay, Waxa ay xal u noqon karaan waxyaabihii keenay burburka. Waxa ay sidoo kale xal u noqon karaan dhibaatada maanta taagan ee qeybta ka leeyhiin dalalka Itoobiya iyo Kenya oo ah kuwa maanta hortaagan nabad iyo dowladnimo ka dhalata Soomaaliya. Waxa ay talooyinkaasi kala yihiin kuwa soo socda:-
1- In Alle loo towbad keenno wadar iyo waaxid, Islamarkaana la is-cafiyo.

2-la dhiso guddi heer qaran ah oo soobaara asbaabihii keenay burburka iyo dagaalkii sokeeye.

3-In la fuliyo wax alaale iyo wixii uu guddigaasi ku taliyo.

4-In wadahadal iyo dib-u-heshiisiin saldhig looga dhigo xal u raadinta Soomaaliya maadaama la kala adkaan wayey.

5- In Warbaahintu ay qabato waxa af ingiriiska lagu yiraahdo town hall meeting oo looga hadlo wixii dhacay.
Codsi: Waxaan ka codsanayaa dadweynaha Soomaaliyeed in ay ila wadaagaan aragtidooda ku aadan qormadan iyo wixi aan kaga hadlayba. Sow lama joogo xilligii lagu soo dhawaan lahaaa dhibaatada iyo xal u raadinteeda sida ay dadyowga kaleba sameeyaan mise wuxu teenna waa MASHRUUC.

W/Q: Maxamed Ibraahim
Al-faatix1960@hotmail.com