DHAGEYSO:- Goodax Barre “ Dowlada diyaar uma ahan iney dhageysato talooyinka shacabka G/Hiiraan”..

0

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda dowlada ku eedeeyay ineysan si cadaalad ah u wadin dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxda dowlada ay iska dhago tireyso dhageysiga dacwadaha iyo dhaliilaha shacabka ku nool gobolka Hiiraan.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in loo sinaado shacabka labada gobo lee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isla markaana loo baahan yahay in si siman loogu adeego shacabka labada gobol.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale dowlada ku eedeeyay in ay ka gaabisay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku kala sugan magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne, halkaasi oo ay ka socdaan shirar wada tashi ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-