Mareykanka oo ugu deeqay lacago lagula dagaalamayo argagixisada 6 urur oo Soomaali ah

0

Lix urur oo ka shaqeeya arrimaha bulshada gaar ahaan dhalinyarada Soomaalida ee ku nool gobolka Mennesota ee dalka Mareykanka ayaa helay lacago gaaraya ku dhawaad nus millyan doolarka Mareykanka ah.

Lacagahaan oo ay bixisay dowlada dhexe ee Mareykanka oo dhan $300,000 ayaa waxaa loogu tala galay in ururadaan ay u adeegsadaan in ay uga qeyb qaataan la dagaalanka xag jirnimada.

Marcus Pope, oo ah agaasimaha xiriirka dibada iyo wada shaqeynta ee Hey’ada Youthprise oo iyadu lacagta loo soo mariyey ururada arrimaha bulshada Soomaalida, ayaa sheegay in ay arrin muhiima tahay maalgelinta dhalinyarada.

Wuxuu sheegay in Minnesota ay hooy u tahay dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo leh hal abuur iyo mustaqba aad u ifaya, balse ay qaar badan oo ka mid ahi wajahayaan xaalad go,doon ah oo ay ka go,anyihiin bulshada qeybeheeda kale, shaqa la,aan iyo faqri taasoo u horseedi karta in ay ku biiraan kooxaha xagjirka ah.

Lixda urur ee loo qeybiyey lacagtaan ayaa kala ah:

— Ururka Confederation of Somali Community ee Minnesota oo helay received $100,000. Howsha laga rabo ayaa ah inuu sare u qaado shaqa abuurista dhalinyarada iyo fursadaha xaga tacliinta ee dhalinyarada Soomaalida. Waxaa barnaamijkan kala qeyb galaya masaajidada magaalada, iyo nidaamka iskuulada dowlada iyo kan deegaanka.

— Somali American Parent Association wuxuu helay qeyb dhan $85,000 waxaase la wadaagaya ururka dhalinyarada ee Ka Joog, waxaana ay door ka ciyaari doonaan barnaamij la xiriirka dhalinyarada, qoysaska iyo waalidiinta.

— Shanta Link ayaa helay lacag dhan $35,000 waxa uu shirko la noqonayaa ururka African Immigration Community Services oo ay wada sameyn doonaan wacyi gelin ku saabsan dhibaatooyinka xaga maskaxda ah ee ay la kulmaan qaxootiga.

— Ummah Project iyo rurka ay bah wadaagta yihiin ee (Community Mediation & Restorative Services, Inc. fiscal sponsor) ayaa helay $30,000 waxaa loo xilsaaray in ay tababaro siiyaan dhalinyarada Soomaali-Mareykanka ah ee da,doodu u dhaxeeyso 18 ilaa 25.

— Africa Reconciliation and Development Organization Inc. ayaa isna helay lacag dhan $25,000 si uu uga hortago xasaradaha ka dhex dhasha qurba joogta Africa. Doorkooda ayaa ah inay sameeyaan dib u heshiisiin iyo in ay sameeyaan barnaamijyo dhinaca isboortiska ah iyo waliba in ay bixiyaan casharo dhinaca fanka ah kuwaas oo la siinayo dhalinyarada wiilasha ah ee da,doodu u dhaxeeyso 13 to 18.

— West Bank Athletic Club ayaa isna helay $25,000 waxaana uu lacagahaasi ku sameyn doonaa barnaamijyo la xiriira ciyaaro loo qabanayo dhalinyarada iyo siminaaro ku saabsan isfahanka waalidiinta.

Barnaamijkan lagu maalgelinayo ururada ka shaqeeya xaga arrimaha bulshada ee Soomaalida Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa iyana laga hirgelinayaa magaalooyinka Boston iyo Los Angeles.

Nidaamkan lagula tacaalayo ka hortaga xagjirnimada dhalinyarada Muslimka ah ee ku nool Mareykanka ayaa waxaa keenay madaxweyne Obama sanadki 2014.