TOP NEWS:- Ciidamada Dowladda oo xiray Oday dhaqameed lala xiriirinayo Al-Shabaab iyo Su’aallo lagu weydiinayo Baladweyne

0

Taliyaha guutada  10-aad ee militariga Dowlada Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan, Maxamed Cumar Cabdulle ayaa sheegay in Oday dhaqameed lala xiriirinayo Al Shabaab laga soo qabtay Degaanka Haraale, oo qiyaas ahaan 30Km dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Taliye Maxamed waxuu intaasi ku daray Nabadoonka la xiray lagu magacaabo Xuseen Garyare, waxuuna xusay in ay hayaan cadeemo muujinaya in Nabdoon Xuseen uu xiriir dhow la la haa Xarakada Al Shabaab.

Weli majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan xiriga Nabadoon Xuseen oo lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa dhankooda.

Sikastaba, Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran waxaa muddooyinkii dambe ay ka wadeen Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.