Maqaal: SHARMARKE OO U SHEEGAY SHACABKA PUNTLAND RUN MADAXWAYNE GAAS KA QARIYAY.

0

Geedi socodka siyaasada nabadaynta soomaaliya iyo tiigsiga dawladnimo ayaa waxaa cagta loo saaray wado loo arkay in ay xal utahay soomaaliya.is jiid jiidkii siyaasadeed iyo mar xaladaha kala duwan ee dalka soomaaliya uu soomaray tan iyo intii kandanbaysay burburkii dawladii dhexe ee soomaaliyeed 1991dii ayaad moodaa in hada lagu kala adkaaday loolankaas.waxaad moodaa in talada dalka looga danbeeyo halmadaxwayne oo leh awood siyaasadeed oo buuxda.waxaan arkaynaa shirkii u danbeeyay ee ka dhacay mogdisho ee lagu kulan siiyay madaxda maamulada dalka ka jira marka laga reebo somaliland in la cadeeyay cida iska leh go aanka dalka ee u danbeeya kaasoo ah madax waynaha dawlada fadaraalka ee soomaaliya Mudane xasan sheikh. go aanka ah habka loogu gudbayo sanadkan dawladii badali lahayd tahada jirta oo xiligeedu ku egyahay sanadkan ayaa wadadii loomari lahaa dood dheer kadib looga haray in uu go aamiyo madaxwaynuhu,lana siiyay xuquuqdaas tanoo uu go aan saday in dawlada iman doonta hadii alle idamo lagu dhisi doono waxa aan uugu yeeray lama yaqaan 4.5!!

Aad baan uuga xumahay in dadka soomaaliyeed,ay ku dhawaqida waxan liita uugu yeeraan nidaamka 4.5! dadku ma kalmadan macnaheeda ayay san fahmayn sidee ayay u oran karaan nidaam? nidaam waa kalimo fiican caalamkuna yaqaan isticmaalana balse koonkaan aan dulsaaranahay kama jiro halbeeg iyo nidaam dawlad lagu dhisto oo ah lama yaqaan 4.5. waa layga aqoon badan yahay balse kuma arag maktabadaha caalamka kutub laga tixraaco lama yaqaan 4.5 waxan hadaba maleeyay in wax kani ahaynba wax jira caalamka oo maanta lanool,sidaa oo ay tahay ayaa madaxwaynaheenu inoo gudoomay oo inoo go aan shay waxaas dalkeena soomaaliya.kol hadii dawlad waxan ku dhisani jirin aduunka hadana dawladihii dunida uugu ilbaxsanaa maanta ay uugu sacaba tumeen madaxwaynaheena in uu saxan yahay waliba ay garabtaagan yihiin waxay ula jeedaan nin ragihi waa garan karaa doqona loo sheegi maayo.

Ingiriis haduu sidan gartay hadee sow ma haboono in uu libinta is raacsado oo uu madaxwaynaha ku caawiyo qorista kitaab ku saabsan lamayaqaan 4.5 kaasoo la dhigi lahaa maktabadaha aduunka si looga faa iidaysto ilbaxnimadan oo dalkii burburaaba u qaato lamayaqaan 4.5. dhanka kale suura galmaha dawna nooguma laha ingiriis in uu marna yiraahdo dimiqraadiyada iyo ilbaxnimada qaata marna uu isagii la dagaalamo oo nagu san duleeyo lamayaqaan 4.5 oo dalkiisaba ka caagan.

Xusuus waxaan in badan aan soo ban dhigay waxan soomaaliya ka socda oo ah in dawlada fadaraalka ah iyo dawlad goboleedyadu shirkii mogdisho layslaqaatay go aankaas lamayaqaan 4.5 iyo guud ahaan mashruuca la xariira oo wada socda.majirin maamul goboleed sida puntland sheegatay isla goobtii kabaxay shirkii oo diiday.waa taariikh qoran sidaas ayayna u dhacday ah in lawada sixiixay. kadibna saxaafada loo sheegay cidna laguma been abuuran. dad badan oo puntland u dhashay ayaa igu soo booday oo qaar gaarayba inay iga saaraan puntland nimadii aan u dhashay iyo xuquuqdaydii wadani nimo,qaar ii arkeen in aan reerkooda necebahay oo aan dan kaleeyahay,waxayna igu in kireen in dr gaas heshiiskaas galay laakiin ka been sheegayo sababo jira awadeed.dacwad ma qabo ah maxaa lay maqli waayay iyo maxaa khalad la iiga fahmay ee waa fakara oo qadariya indheer garadkiina illaah idin siiyay oo idinka dhashay ahna filasoof wayn arkana waxay daan arag idinku.

Maanta maxaa dhacay,waxaa sida nalkaa u ifiyay Raysul wasaare sharmaarke in puntland fadhido shirka,halka madaxwayne gaas ka cudurdaartay kaasoo uu ka aqbalay raysul wasaaruhu.cidii dawlad nimo taqaan ayaa garanaysee hadii dawladi ama maamul shir uu usoo dirsado xubno dawladaas kamid ah oo maamulkaa ku jira macnaheedu waxaa weeye madaxwaynihii baa fadhiya waloow yuusanba joogin ee.waftigiisii puntland matalaya oo waliba heer wasiiro ah ayaa fadhiya macno sheegi mayso dr gaas ayaa maqan.masuul sare oo dal masiirkiis lagu aaminay iyo hogaan sare suura galmaha in uu sidaa u dhaqmo siyaasaduna maha shacabka oo been loo sheego oo la khiyaamo tani waa danbi iyo xil ka dhigis.RW sharmaarke run buu noo sheegay hadaanahay puntland raalina kama uusan noqon shacabkan la jahawareeriyay oo beenta lagu bahdalayo sharafkooda iyo qayimkooda waayo lama uu san gaban in puntland kamid tahay hada shirka horana uuma uusan qarin in ay qayb ka ahayd shirkii iyo go aankii mogdisho. isbahdalka iyo ihaanada ay madaxda puntland ka galayaan shacabkooda iyo shacabkaan bahdilan ee daalan ee la baqdin galiyay laguna noolaysiiyay go aan darada iyo jahawareerka waan ka xumahay maantase waa u cad yahay arinku.dhuumaalaysiga dr gaas dibadaha ku dhuumaalaysanayo maha mid u wanagsan naftiisa iyo dadkiisaba,ninbaa laga hayaa “warmuu wadnaha joojiyo waa xidbaa jira ee” nin buu kayaabay fulaynimadiisa xadka dhaaftay.

RW cumar isagu dantiisa waayaqaan nina u joojin maayo waxaan u xaqxagtaana waa igu gardaro waana arkaa in muuqiiniyay dr gaas oo uu u higaadiyay siyaasada uu uga da wayn yahay ragna waa kala adkaan jiray waligiiba.laakiin masiirkii puntland oo 18 jirta in sidaa fudud rag kumaro waa ila amakaag.waxaan maqli jiray “gabdhaha ayaa naa iimus lagu meheriyaa” puntland mala shibiyay gablan talo aduuneey maxay galaba heer joogtay.puntland waxay ceebi dhacday markii wariye uugu tagay iyagoo fadhiya shirkii ee ay sidii cawl qori urisay kala yaceen!! ee wariyihii la daba orday makarafoonka ilaa uu ka hadalsiiyay,mid wasiir ah oo neef tuuriya nafeey lagu waa. waxaa layiri “xagal geel wax gunti la galiyo kawayn” hada markii shacabkii puntland yiri war waa sidee xaalkiinu maxaa idin geeyay turki iyo lamayaqaan 4.5 aynu wada qaadacnay? waxay yiaahdeen madaxdii iyo dawladii puntland anaga ma ahayn ee kuwo muuqa nashabaha ayay ahaayeen kuwaasi!! waxay yiraahdeen anaga ma ahayn ee waxa aanu u tagnay uun hordhacyaroo haweenka iyo dhalinyarada iyo waxaas baanu yara agtaagtaagnayn ee shir siyaaso maba aanu galin,puntland way diiday inay ka qayb gasho!! Allaan idinku dhaarshee madaxda noocaas ah ee inkiraad iyo dafiraad heerkaa kamaraysa ee shacabka puntland u haystaba xoolo aan waxba garanaynin xuquuq lahayn sharaflahayn, ma la oran karaa waa madax iyo masuul umadeed!!!

Horaan u sheegay fidnada oo dhan waa dr gaas oo kacabsaday sharmaarke in uu xiro,waa jileecnimo xagiisa ah,waa hungiri iyo hanyari shilin raadin xagiisa ah,waa masuuliyad daro xagiisa ah,waa go aan daro xagiisa ah,waa hogaan xumo xagiisa ah kuli dhib oo dhan kama soo harto hogaanka.inta hada ka hartay in laxulo baarlamanka lago aamiyay waa mudo yar oo bilo ah oo kooban,intaa damujadiid waxay haysataa qaab ay heshiis kulatahay dr gaas oo ah maaweelinta shacabka iyadoo,loogu heesayo puntland way diiday 4.5 iyo hadalo dublamaasiyadeed oo tv yada iyo radio yaasha laga siidaayo oo ah dawalada fadaraalka iyo puntland wada hadal bay galayaan,waxaan caalamku waa la ogyahay damu jadiid oo waa siyaasada kuwajahan puntland shacabkeeda si aysan marna ukicin oo wax u dareemin.

Sidaan hore idiin ku sheegayba tani tagtayee bal hada uun kadaba taga oo waydiiya dr gaas KOONFURTA GALKACAYO MA PUNTLAND BAA MISE WAA GALMUDUG? waxaan anigu hubaa oo aan shaki haba yaraatee iiga jirin in ay tahay galmudug dr gaas sixiixay oo sidaa ay ku noqotay galmudug state hadii kale se suura galmaha in ay noqoto ayadoo loo eegayo sharciga dalka.waxaan ka xumahay in wali reer mudug isu haysto in uu ka tirsan yahay puntland!! mana arkaysid waligaa iyagoo kacay oo u taagan cadaynta arintaa,nin dagaankuu daganaa iyo dhulkiisii aan meel saari karin saw faduul maha in uu siyaaso iyo arimo kale laaclaaco.dhalanteed iyo riyo maalmeedka halaga baxo puntland runta haysu sheegto hatashato mustaqbal xumo aan illaahay kubadin laysma bado.wali waxaynu haysanaa fursad aynaan helayn barito.dr faroole iyo cali xaaji waxay u muuqaal e kaadeen dr gaas kulankii gaalkii ingiriis garoowe kula yeeshay kadib far baa ku go dan,waxaan u rajaynayaa puntland inaysan lumin masiirkeeda iyo gobonimadeeda.

Wasiirka W. Shaqada & Shaqaalah P untland oo ka hadlay Shirka Istanbul (Halkan Guji Kana Dhageyso)

Halkan Guji Kana Daawo Hadalkii R/wasaare Cumar Cabdirashiid

W/Q: Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com