DHAGEYSO:- Ciidamada Dowlada oo la Wareegay Saldhiga ugu weyn ee Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/Dhexe

0

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-baraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ka mid ah deegaanada Al-shabaab kaga sugnaayeen Sh/dhexe.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ay maanta gudaha u galeen deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Deegaanka Ceel-baraf ayaa ahaa saldhiga ugu weyn oo ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaanada gobolka Shabeelaha Dhexe, waxayna ka talinayeen muddo badan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney saldhigyada deegaanada iyo xarunta deegaankaba la wareegeen.

Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegay iney dageen banaanka hore ee magaalada, waxaana maalmahaan deegaankaasi ka jiray guluf colaadeed oo ay wadeen ciidamada dowlada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-