TOP NEWS:- Somaliland oo Guddi u saartay ka go’ida Soomaaliya inteeda kale, Faysal Cali Waraabe iyo Siyaasiin kale ayaa ku jira

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta  ayaa u dhignayd sidan:-

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Sacad Ali Shire               Guddoomiye

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia, Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdoo Axmed Aayar

Wakiilka Wareega ee Somaliland                         Mudane, Raabi Axmed Mohamed

Wakiilka Somaliland ee Turkiga                                        Mudane, Cali Axmed Cismaan

Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                        Marwo, Edna Aadan Ismaaciil

Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                        Prof. Maxamed Siciid Gees

Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                       Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

Wasiir Hore, Kalluumaysiga                                            Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud                              Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

Professor, Macalester College, Minnesota                       Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa       Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax

Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah                              Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac

Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada        Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe

Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida         Mudane, Axmed Daahir Jirde

Guddoomiyaha Xisbiga UCID                                         Eng. Faysal Cali Waraabe

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani                         Aqoonyahan C/raxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.