DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo guuldaro kala soo kulmay Beledweyn+Faahfaahin odoyaasha gobolkaasi oo ismari waa uu ku soo dhamaaday kulankooda

0

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in kulamo uu maanta la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh qaar ka mid ah oday dhaqameedyada gobolka Hiiraan ay guuldaro ku dhamaadeen kadib markii la isku afgaran waayay qaabka dib loogu bilaabayo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaana wararku sheegayaan in uu ku dhamaaday is afgaran waa, kadib markii uu Ugaasku ku adkeystey in shirka maamul u sameynta lagu qabto magaalada Beledweyne.

Ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay labada dhinac shirkii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne gaar ahaan kulankii ay yeesheen labo Xasan.

Hase ahaatee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ay hore u soo raaceen ergo mataleysa gobolka Hiiraan, kuwaasoo ka qeybgalaysa shirka lagu wado in dhowaan uu ka dhaco dalka Turkiga.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo xubno kale ayaa soo raacay Madaxweynaha, iyadoo magaalada Muqdisho hore ugu sugnaa Guddoomiyihii gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen.

Qaar ka mid ah Beelaha Gobolka Hiiraan ayaa horay u qaadacay madasha shirka maamul u sameynta ee magaalada Jowhar, iyadoo shirka uu muddo bil uu hakad ku jiro, tan iyo markii uu Madaxweynuhu si rasmi ah u furay 12-kii bishii hore.

Halkaan ka dhageyso