Mareexaan Caabudwaaq, Balanballe Iyo Dhabad Waxaa Nabada Iyo Horumarka U Diidan Waa Lixda Nin Ee Magacyadooda Kasiman Yihiin Xarafka G. (Waxbadan Ogoow).

0

Afeef: Qofkii garasho fog iyo damiir danqada leh waa uu garanayaa waxaan ka hadlayo, sidoo kalena waa uu garayaa waxuu doonayo ama diidayo sidoo kalena waa uu garanayaa meesha dhabta ah ee uu dhibku ka jiro ama qofka wada, balse qofka xabsiga ugu jira ama u qabiran Qabyaalada, Doqonnimada iyo Damiir La’aanta ma garan karo waxa jira ee dhabta ah waqtina umma aan hayo inaan galiyo shaqsiyaadka noocaas oo kale ah, sababtoo ah waxaan dadkeyga Mukaramiinta ah la doonayo ayaa ka weyn.

Dadka ku nool amaba kasoo jeeda Magaalooyinka Caabudwaaq, Balanballe iyo Dhabad  waxay saaxiib waligood u ahaayeen ehelnimo dheeri ah, garasho fog iyo ficilo aan hagrasho lahayn, waxa ugu wacnaana wax kale ma,ahayn’e waxay lahaayeen Hogaan dhaqan, Hogaan siyaasadeed iyo Hogaan ciidamo oo lahaa garasho fog, mar walbana ka turjumayay danaha dadkooda iyo deegaanadooda, Allaha U Naxariisto Raggii Rag ahaa, waxaa badalay  markii Raggii rag ahaa ay meesha ka baxeen in iminka dadkeeni Mukaramiinta ahaa ay horboodayaan biiro qaatayaal u adeegta danahooda gaarka ah iyo kuwo kafakara maalinkaas waxay cunaan islamarkaana aan wax kuleyl ah dad iyo deegaan ku hayn amaba dhag jalaq usiinayn dareenka iyo qaylada waxgaradka Bulshada Caabudwaaq, Balanballe iyo Dhabad taas oo sababtay in dadkii wada dhashay ay kala dhintaan.

Waxaan daawanaa amaba warbaahinta ka maqalnaa maalin walba musiibo iyo ihaano hor leh oo maalin walba loo geysanayo dadkeena iyo deegaanadeena, waxa bud dhigaha u ahna inay taasi dhacdo ma ay ahan wax kale ee waa kuwii mudnaa in xabsiyo lagu xiro oo dadkii Waxgaradka ahaa ee joogay deegaanadeeni ka maroorsaday masiirkoodi dhaqan, masiirkoodi siyaasad iyo masiirkoodi ciidan.

Mareexaan Musiibada iyo Ihaanada maanta ku habsatay haddii ay yihiin reer Caabudwaaq, Reer Balanballe Iyo Reer Dhabad iyo dhamaan deegaanada hoostaga, waxaa horboodaya sababna u ah in heerkaas bulshadeena magac iyo masiir ka gaarto oo maalinba shaar cusub oo nooc ah usoo gashanaya waa Lixda nin ee magacyadooda ka siman yihiin xarafka G, kuwaas oo kala ah sidan soo socota.
1. Axmed Barre Cali               (Gaabane)
2. Ibraahim Sheekh Xasan  (Guureeye)
3..Cabdiladiif Cabdullahi Warsame (Gacmeey)
4_ Xasan Maxamuud Warsame ( Gaboobe)
5. Xasan Maxamed Warsame (Gureey)
6-Maxamed Xaashi Cabdi (Ganeey)

Guureeye, Gaabane, Gacmeey, Gaboobe, Gureey iyo Ganeey  hankooda waan garanayaa waana  inay shilimo helaan oo kaliya, waxaana idin  oranayaa waa inaad ogaataan in aad Bulshada reer Caabudwaaq, Reer Balanballe, Reer Dhabad iyo dhamaan deegaanada hoostaga u horseedeen Musiibo, Magac xumo iyo Ihaano balaaran oo aysan waligood kasoo waaqsanayn, noqonaysana mid taariikhda Soomaaliyeed ku qoranta amaba gasha, waxaa kale oo ummada deegaanadaas dagta u horseedeen dagaal sokeeye oo dhexdooda ah aan waligii xal laga gaari doonin, ilaa la helo Waxgarad leh tayadi iyo garashadi Raggii Rag ahaa ee ummadan Hogaamin jiray.

Mareexaan Isweydiiya su’aalahan, Ma xaqbaa mise waa caqli fiyoow in magaalada Caabudwaaq sadex calan ka surnaadaan, Galmudug, Ahlusunna, Puntland? ma xaqbaa mise waa caqli fiyoow in magaalada xaafad xaafad u gudbi kartaa aysan jirin oo dadku wada yahay keeb la yurur, waxay keenka ulla wada yururaana ay tahay in mid walbaa dilo walaalkiis? ma xaqbaa mise waa caqli iyadoo lagu jiro 2016 in dadkeena iyo deegaanadeena sidii Cali beysteenki (Red indians-ka) u noolaadaan? Waxaas oo dhan waxaa bud dhige u ah loona haystaa Guureeye, Gaabane, Gacmeey, Gaboobe, Gureey iyo Ganeey, haddase iraahdo waa in  la maxkamadeeyo  islamarkaana dil toogasho ahna lagu xukumaa soo xaq ma,ahan?

Ummada Ku nool Caabudwaaq, Balanballe,Dhabad iyo degeaanada hoostaga waxaan ugu baaqayaa inay u tafa xeytaan amaba u istaagaan siday isaga dulqaadi lahaayeen amaba u eryi lahaayeen nimankan duleeyay dadkeeni iyo deegaanadeeniba waa Guureeye, Gaabane, Gacmeey, Gaboobe, Gureey iyo Ganeey, waana hubaa kumanaan dhan walba ka tayo wanaagsan inay idinku jiraan oo waxbadana magaciina, sharaftiin, dadkiina iyo deegaanadiinaba tari lahaa, kaca oo diida dulinimada dhan walba leh ee ay idin badayaan ragaas.

Dhinaca kale waxaan la hadlayaa kuwa sheegta inay yihiin Qurbajoogta ee Jaahiliinta ah ee taageerta fikradaha gunimada iyo qurmuunka salka ku haya ee dadkeeni iyo deegaanadeeniba dulinimada baday ee ay horboodayaan Guureeye, Gaabane, Gacmeey, Gaboobe, Gureey iyo Ganeey, war ilaahey iimaanka idinka qaadyee oo dulinimana allaha idin bado aaqiro iyo aduunbee, ma kuwan ayaad ku taageraysaan in dadkiini iyo deegaanadiinio ay dadyoow kale u duleeyaan, halkaad la dagaalami laheydeen oo dadkiina iyo deegaanadiina ka qaban laheydeen adinkoo caalamka horumaray iyo dalal xor ah ku nool oo laga kororsado waxbarasho iyo waayo aragnimo? duf ku baxa oo idim alle mid idinkama haro.

Gabagabadi waxaan baaq u dirayaa Qurbajoogta aamusan balse arkeysa dulinimada iyo bahdilka ay dadkeeni iyo deegaanadeeni badayaan nimankan loogu yeero Guureeye, Gaabane, Gacmeey, Gaboobe, Gureey iyo Ganeey, Walaaleyaal ha daawanina, hanna aamusnaanina waxii intaan ka dambeeya ee kaca oo dagaal ba’an la gala nimankan duleeyay dadkeeni iyo deegaanadeeni, waxaan sidoo kale mar labaad iyo mar sadexaad ugu baaqayaa dadka ku nool Caabudwaaq, Balanballe, Dhabad iyo deegaanada hoostaga, Walaaleyaal  waa uu dhamaaday dulqaadki loo hayay Guureeye, Gaabane, Gacmeey, Gaboobe, Gureey iyo Ganeey hanna ka xishoonina ee iska dulqaada Gunimada idin badeen,annagana ayaana idinku garab istaageyna Hiil iyo Hooba sidaad isaga dulqaadi laheydeen shayaadiintan idiin duleynaysa dadyowga kale ee Soomaaliya idinkula nool.

WAR KACA OO DIIDA IN DAD KALE LEYDIIN GUMEEYO, XAGLO GEEL WAX GUNTI LA GALIYO KA WEYNE!

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg