Garwadeen Gudoon Jilicsan? W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

0

Mahad oo idil Alle ayay u sugnaatay,nabad geliyo iyo naxariis Nabi Maxamed dushiisa ha ahaato iyo intii rumaysay .

Assalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.

Sida aad kawada dheehateen Tusmada Qormada amase ciiwanka qormada,waxay aynu si qoto dheer u darsi doonaa garwadeen gudoon jilicsa.hadaba inta aynaan u gudo galin qormada waxaa aynu si kooban sharax uga bixin doonaa waa maxay Garwadeen gudoon jilicsan?

Eray ahaan waxa ciiwanku uu ka kooban yahay laba eray oo la isku lifaaqay oo kala ah garwadeen,iyo gudoon jilicsan.

Waa maxay Garwadeen?

Waa hogaamiyaha ama hormuudka ummada ku duwa oo ku haga hilinka toosan,kaasii oo ka badbaadiya kana samata bixiya khatar walba oo soo food saarta xiliyada adag.

Waa maxay gudoon jilicsan?

Waa dabacsanaan ku suntan karti iyo awood xumo,ama fulin la,aan hawlihii garwadeenka loo igmaday inuu uu fuliyo sidii looga rabay. Waxa aynu kale oo ku qeexi karnaa waa talo ama arin uu qaato garwadeenku iyada oo aysan marinkeedii ku haboonayn.

Hadaba hadii aynu si kooban isugu xirno ama isku wafaajino sii loo fahma macnaha guud ee qormada waxa aynu dhihi karnaa,”Waa hogaamiye gudooma talo aan ku haboonayn ama aan cuntamin meeqaamkiisa”.

Hadaba hadii aan si fiican u iftiimiya ujeedka ay qormadi daaran tahay,maahmaah Soomaliyeed baa ahayd madax meel ka saraysa oo la salaaxo majirto.iyadoo oo aynu ognahay qaranjabka ku dhacay qarankii soomaliyeed iyo dhibta faraha badan ee ay qabaan ummada Soomaliyeed ayaa hadana waxaa usii dheer maamul xumo ama hogaamin la,aan fiican.Hadaba ummada Soomaliyeed maxaa udiiday in ay garowsadaan dibna ay u milicsidaan murtida dhahda sadex arimood masuulkii ku sifooba in uu xilkiisa uu ku waayo sadexdaas oo kala ah, B-Gar eexo T-Gudoon jilican J-Gacan guran ,si ay isaga hor kexeeyeen madaxdan fadhiidka noqotay kuna sifowday sifihii ay soomalidii hore uu hogaamiyuhu ku mudan jiray in xilkiisa uu ku waayo.
Sida aynu wada ognahay madaxdu wax ay mataalaan shacabku,dastuur walba oo dal leeyahayna waxaa lagu qoraa”Madaxwaynuhu waa astaan midnimada ummada”,hadaba hadii hogaamiyuhu matalo bulsho wayn ka kobaan malaayiin taas micniheedu waxaa uu noqonayaa wax alaala wixii gaf la gula kaco waxay ka dhigan tahay in ummada uu madax u yahayna lagu gafay,hadii taas badalkeeda la wanaajiyana ay la mid tahay in ummadaas oo dhan la wanaajiyay.

Hadaba waxaa xusid mudan runtiina waajib ah in laga hadlo maxaa sabab u ah in madaxda iyo masuuliyiinta Soomaliyeed ay u gudoon sadaan ama u aqbalaan wax meel ka dhac ku ah ama aan u cuntamin ummada soomaliyed,mise waxa ay war moog ka yihiin in sharafta ummadooda ay huwan yihiin?. Mise waxay wax walba u gudoon sadaan waxay ay is lee yihiin hadii aad adeeeci waydaan wax walba oo la idiin soo bandhigo waxaa ciriirii galaya taakulayntii la idin taakulayn jiray oo wax ay ufahmeen in wax walba sidaa darteed ay u fuliyaan iyaga oo aan u eegin wax ka dhalan karta ama saamaynta ay yeelan karto.

Madaxda soomalidu miyaysan ogayn in wadamo badan oo dunidan kamid ah ay soo mareen marxaladaha aan ku jirno oo kale iyo kuwo waliba ka qalafsan. Hadana madaxda wadamadaasi aysan isaga qaldamin in ay caalamkana ula macaamilaan si wafaaqsan shuruucaha caalimaga ah,sidaas si lamid ah ay ilaashadaan sharaftooda iyo tan dadka iyo dalka ay matalayaanba.

Waxaa kale oo iyana mudan in la darso muxuu yahay farqiga udhexeeye madaxdi hore ee Soomalida iyo madaxdan hada jirta,walow aynu kawada dharagsanahay in ay aqoon ahaan aadba moodid in kuwa hada jooga ay wax badan ka cilmi badan yihiin kuwii hore,hadana waa aynu lawada soconaa sidii madaxdii hore ay u ilaalin jireen sharafta iyo karaamada ummada Soomaliyeed iyo sida kuwa haatan jooga ay ugu tuntaan.

Madaxdu waxaa ay kasoo dhex baxaan bulshada,hadba hadii bulshadu ay tahay bulsho fiican waxaa ay soo saarta hogaamiye wanaagsan ,hadii ay tahay bulsho xuna waxa ay soo saarta hogaamiye xun. Hadaba hadii aynu si guud udarasno bulshada soomalida ee maantay nool waxaa ay ka dhimatay hankii iyo haybadii ay lahaan jireen soomalidi iyaga ka horaysay.

Garwadeen ku yimid kursiga qabyalaad,eex,iyo musuq maasuq waa hubaal in uu dalka iyo dadkaba ku hogaaamiye hilin aan haboonayn,waana taas sababta ay hogaamiyaasha hada uga hayaameen sharaftii aynu lahayn ugana dhigeen haybadeenii mid baylah ah.

Waxaan kusoo afmeeray qormadan in ummada soomaliyeed saqiir ,kabiir,caaalim,iyo caamaba ay muhiim tahay in ay ku baraarugaan in markii ay iyagu xumadeen in madaxdiina ka xumaatay oo ayna kasoo dhex baxeen garwadeeno gudoon jilicsan oo had iyo gooralaba soo gudoomo wax aan u cuntamin sharafteena iyo karamadeena lidina ku ah jiriteenka ummadnimo iyo qaranimo. Waxa aan dhamaan ummada Soomaliyeed ku baraarujin lahaa in ay jiifka ka kacaan una soo jeestaan sidii ay dalkooda wax uga qaban lahayeen,waana muhiim in si gaar ah la isaga xil saaro sidii talada dalka looga faramaroojin lahaa garwadeenada soo gudoomada wax walba oo aan ina gayin ama inoo cuntamin.

Murtida Qormada:
Masuuliyadu waa adagtahoo
Waa amuur culuse
Ardaal iyo nimaan qaadi Karin
Looma aamino
Abwaan: Marxuum Xaaji Adan Afqalooc

W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )
Email: Geeljire1900@gmail.com