Farxad iyo Xanuun Wada Socda 3-Sano ka dib.!!! W/Q Maxamed Kaafi Sh. Abukar

0

Maalmaha aduunyadu aad ayay u kala qiimo badanyihiin, maalin kastana marka ay ku dhaafto ayaa dib u xasuusataa saamaynta ay maskaxdaada ku reebto. Maalmaha qaar waxay dantu ku bartaa saaxiibo badan kuwaas oo aana waligaa maskaxdaada ka go’in.

Ruuxda iyo Garaadka aadanaha waxaa badala fahamka waxbarashada, sidoo kale waxaan xasuustaada ka guurin qof kasta oo waxbarasho wadaag aad soo noqotaan muddo badan heerka ay doontaba ha ahaatee.

Waxbarashadu waligeedba waxay badashaa Furaha dhaqaalaha, daganaanshaha waxay kobcisaa hormarka iyo Siyaasada sidaasi waxaa yiri Qabiir la yiraa Barbara oo u dhashay dalka Jordan.

FARXAD.

12736011_1035694906472644_108764039_n

Waa Suno, waana muhiim in qofku uu dhoola cadeeyo marka uu farxad dareemayo ama uu helo wax uu in badan raadinayay, sida inuu guul gaaray oo kale. MA JIRIN QOF KA DHOOLA CADAYN BADAN NABI MOHAMED NNKH SIDAASI WAXAA YIRI SAXAABIGA ALI BIN ABII DAALIB.

12714467_1035695326472602_419393505_n (1)

Maanta aad ayaan u faraxsanahay aniga iyo saaxiibaday, waxaan aaminsanahay in aan gaarnay qayb ka mid ah hamigeena iyo wixii aan doonaynay muddo badan.

Qiyaastii aniga in ka badan 50-Saaxiibaday ah ayaa mudo 3-sano ah waxaan ka mid ahayn ku manaanka kun ee cilmiga u doonta Jamacada Soomaaliya oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn Soomaaliya.

Maalin kasta oo ka mid ah maalmahaasi dahabiga ah aniga iyo saaxiibaday waxaan ahayn kuwo maskaxdoodu ay kobacdo, waxaa sidoo kale intaasi bar bar socday Cilmi iswaydaarsi iyo tusaalayn dhexdheena ah oo ka badan inta ay macalimiinta  tusaaleeyaan, waxaana jirta maahmaah Shiinees ah oo dhahaysa  BARUHU WUXUU FURAA ALBAABKA LAAKIIN ARDAYGA AYAA GALA.

Maalmaha Dahabka ah oo Qiyaastii gaaraya 1,080-maalmood ka dib maanta waxaan heestaa faa’iido badan oo ay ugu muhiimsantahay in Decree-gii koowaad ee bachelor aan heesto, in maankayga, fikirkayga iyo Mustaqbalkayga uu ka duwanyahay sidii hore, in aan helay saaxiibo aan noqonay waxbarasho wadaag kuwaas oo maanta ka mid ah kuwa noloshayda ugu qaalisan iyo macalimiin waqti badan ka shaqaynayay dhismaha iyo kobcinta garaadka maskaxdeena.

12746191_1035694833139318_1861245212_n

XANUUN.

Inkastoo Geeridu ay xaqtahay oo qof kasta uu dhimanayo maalintiisa oo aysan jirin qof waqtigeeda dhaafi karta, ayaa haddana waxaan xasuusanaynaa saaxiibo iyo macalimiin aan jecleen ayaguna na jeclaa kuwaas oo gaba gabadii nasiibkoodu uusan noqon inay farxada nala wadaagaan.

XASAN MAXAMUUD AXMED wuxuu kamid ahaa dadkii aan isla bilownay jamacada Soomaaliya (University of Somaliya) laakiin walaalkay uma suurta galin inuu nala dhameesto jaamacada wuxuuna ku geeriyooday qarax ka dhacay degmada dayniile dhamaadkii sanadka 2013-ka.

U

Xasan wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo mustaqbal ifaya leh sidoo kale wuxuu ahaa nin hami wayn uu ku jiro, waxaana markasta xanuun wayn ku haysay xaalada dalka.

Maalin ka hor inta uusan Alle oofsan saaxiibkeen wuxuu bartiisa facebooka ku soo daabacay qoraalkaan oo uu ku cabirayay xaalada dalka.

xasan11

CABDIWALI BASHIIR ALI wuxuu ka mid ardayda aan isku fasalka ahayn laakiin Cabdiwali wuxuu si gaar ah aqoon ugu lahaa Xasan Maxamuud wuxuuna ku tilmaamay Xasan inuu ahaa nin aad u jeclaa dalkiisa, waxaana geeridiisa ay ahayd mid si gaar ah noo saamaysay.

cabdiwali

ABSHIR MAXAMED CUMAR ayaa sidoo kale ka mid ah walaalaha maanta garbaheena ka maqan oo waliba aad u jeclahaa anagana aaan jeclayn in maanta oo kale aan isla joogno laakiin xag Alle aysan ka suura galin.

hhh

Aniga shaqsiyan Abshir aad ayaan isugu dhowayn wuxuuna ka mid ahaa dadka aan sida gaarka ah u jeclahaa inaan markasta sheekaysano kaftano sidoo kale xiriirkeena wuxuu ahaa mid ka balaaran jamacada.

Sidoo kale wuxuu ahaa aqoonyahan wuxuuna maadama waxbarashada horay uu kaga soo diyaariyay Jamacada Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha dalka.

Sidoo kale macalin Abshir wuxuu ahaa bare maadooyin badan ka dhigaya Iskuulo ku yaala magaalada Muqdisho waxaana jira arday badan oo maanta jooga magaalada kuwaas oo uu macalin u ahaa ALLAHA U WAASICIYO QABRIGIISA.

MACALIMAD LAYLA macalimada waxay ka mid ahayd macalimiinteena wanaagsan waxaana la toogtay xili ay maraysay meel u dhow Isgoyska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho.

Macalimada waxay u dhalatay dalka Uganda waxayna Soomaaliya u joogtay inay u faa’iideyso jiilka laakiin waqtigeeda ayaa intaa ku ekaa, Layla waxay noo dhigeysay maadada Principle of Economic, aragtideeda waxaa noogu danbaysay maalin khamiis ah oo ay cashar nasiisay waxaana la toogtay isla maalintii ku xigtay oo jimco ahayd.

AUN USTAAD CUMAR COLAAD Ustaadka wuxuu ka mid ahaa macalimiinteena waliba semesterkii ugu danbeeyay wuxuuna noo dhigayay maadada EIA, maanta Rabigeena ayaa naga jeclaaday oo uu xagiisa jiraa anagana nasiib uma yeelan inuu farxadaas nala qaybsado.

kk

Cumar Colaad wuxuu ahaa macalin dhalinyaro ah oo aqoon badan oo fahmaya xaalada dalka iyo duruufaha inta jecel inay dalkooda wax ku bartaan, wuxuuna sidoo kale uu bare ka ahaa jamacado kale oo badan sida Jamacada Umada Soomaaliyeed Jamacada Simad iyo kuwo kale.

Ustaadka wuxuu ku geeriyoodat weerarkii dhowaan ka dhacay maqaayada maqaayada Liido Sea Foot. ILAAHAY AYAAN KAGA BARYAYNAA INUU JANADIISA FARDOWSO KA WARAABIYO.

AXMED CABLLA wuxuu ka mid yahay asxaabta aan mudadaan iyo maalmahaan dahabiga ah aan isla qaadanay inkastoo uu   nasiib u wada yeelan inaan gaba gabadii aan soo gaarno, hadana saxiibkay wuxuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido.

yy

Axmed haatan wuu  wanaagsanyahay waxaana leenahay Rabi caafimaadkiisa ha u siyaadiyo.

Waxaa jira walaalkeen kale oo aanan hada magaciisa aanan soo gudbinayn kaas oo sababo la xariira duruufaha dalka ka jira kaga haray jamacada sida uu inoo sheegay, waxaana xiliga uu jaamacada ka haray uu noo soo qoray fariintaan.

Sidoo kale waxaa jira saaxiibo kale oo badan oo duruufaha dalka ka jira ay sababeen inay dalka isaga baxaan kuwaas oo maanta jooga dalka dibadiisa.

uuu

uu

Ugu danbayntii waxaan u mahadcelinaa saaxiibkay Ustaad Cabdixakiin Alba oo ka mid ah saaxiibada aan waxbarsho wadaaga ahayn kaas oo mudada aan wax wadabaranaynay noo sameeyay madal aan isku waydaarsano xogta sidoo kalana aan ku wada xariirto taas oo aan ka soo qaatay inta badan xaqiiqda warbixintaan.

Sidoo kale waxaan mahadcelin gaar ah u jeedinayaa dhamaan maamulka howlwadeenada iyo shaqaalaha maamulka University of Somaliya oo waqti fiican aan soo wada qaadanay, si gaar waxaan sidoo kale ugu sii mahadcelinayaa asxaabtayda qaaliga ah iyo waalidiintayda markasta talo iyo farxad ila garabtaagan.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar.

 12696114_1035695276472607_204418855_n12714467_1035695326472602_419393505_n (1)12736011_1035694906472644_108764039_n12736041_1035695303139271_2036436721_nb