Puntland 4.5-ka Waa Dulmi Cad, Puntland 3.5-ka Jirana Qudhiisa Waa Dulmi Cad.

0

Madaxda,siyaasiyiinta iyo culumaa’diinka, aqoonyahanada iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada Maamulka Puntland waa ay diideen cod dheer ayayna waxay ku sheegeen sida ay uga soo horjeedaan nidaamka awood qaybsiga 4.5-ka taas oo ay sheegeen inaysan u wanaagsanayn dadka Soomaaliyeed., waxaana run ahaanti muuqata inay ku saxan yihiin marakan qodobada ay u cuskanayaan 4.5-ka.

Sidoo kale waxaa jira dad badan oo kale oo kamid ah ummada Soomaaliyeed inay qabaan fikirka madaxda iyo shacabka maamulka Puntland ay ku diidayaan 4.5-ka awood qaybsiga ah ee ka jirta Soomaaliya taa oo lagu micneeyay inay tahay Dulmi iyo cadaalad daro bareer ah oo lagu kala fadli yeelayo ummada Soomaaliyeed.

Haddaba Haddii ay dhacdo in meesha laga saaro 4.5-ka waxaa amaanteeda iyo sharafta soo hoyata leh Maamulka iyo Shacabka reer Puntland iyo dhamaan shaqsi walba oo Soomaali ah kuna firka ahaa ee diiday nidaamkaas cadaalad darada ku saleysan ee lagu kala qob qobayo ama lagu kala fadli yeelayo dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale aniga oo ku taageersan fikirka 4.5-ka Madaxda iyo shacabka reer Puntland ayaa haddana waxaan uga soo horjeedaa nidaamka awood qaybsiga ah ee ay Puntland isticmaasho ee ah 3.5-ka.

Nidaamka 3.5-ka ee awood qaybsiga ah ee ka jira Puntland ilaa maalinkii la aasaasay ayaa soo shaqeenayay, waxaana la gaaray qudhiisa xiligii laga gudbi lahaa in wax lagu qaybsado maadaama uu yahay mid Ummada reer Puntland aan u wanaagsaneen kalana fadli yeelayana qaarna ka dhigay 100 qaarna ka dhigay 50.

3.5-ka ka jira Puntland ee markaan micneeyo ama fasiro noqonaya Cumar, Ciise, Cismaan iyo dadka intiisa kale, waa in madaxda iyo shacabka walaalaheen ee reer Puntland ay la dagaalamaaan soo maadaama uu cadaalad daro yahay nidaamkaas qudhiisa waana muhiim in meesha laga saaro kala fadli yeelida dadka reer Puntland.

Jileec iyo Jareer ummada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland waa inay u sinaadaan dhan walba, waana xaqiiqo in 4.5-ka uu yahay dulmi sidaa si le’egna nidaamka 3.5 waa dulmi qudhiisa, raali ahaada mise xaalku waa uun 4.5-kaliya  halala diriro ee yaan laga hadlin 3.5-ka ka jira Puntland Gudaheeda?

Gabgabadi Madaxda iyo shacabka reer Puntland waxaan ugu baaqayaa maadaama aan kamid ahay dadka taageeray ama qaba fikirkooda ku aadan nidaamka 4.5-ka in meesha laga saaro oo dadku dhan walba sinaado, waa in sida aad 4.5-ka ula dagaalamaysaan iyo si le’eg in aad ulla dagaalantaan nidaamka awood qaybsiga ah ee 3.5-ka ah ee ka jira gudaha Puntland, waana idinku taagereynaa sidaan haddaba idiinku taageereyno inaaad la diriritaan 4.5-ka.

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg!