TOP NEWS:- Baarlamaanka oo xukuumadda dib ugu celiyay golaha adeega garsoorka

0

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa Xukuumadda dib ugu celiyay xubnaha golaha adeegga garsoorka, si loo soo dhameystiro, iyagoo dhankale ka dooday wax ka badal lagu sameynayo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kulanka baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka ayaa kulankii maanta waxaa soo xaadiray 142 mudane.

Ajandayaasha kulankii maanta oo ay ku jirtay golaha adeega garsoorka ayaa mudanayaashii shirka ka hadlay waxa ay ka soo horjeesteen in ajandahaasi laga hadlo sababo oo ay ku sheegeen in sharciyan aysan dhameystirneyn golaha adeega garsoorka oo laga rabay inay noqdaan 9-xubnood, balse baarlamaanka la horgeeyay oo kaliya shan xubnood.

Dood dheer kadib Guddoomiyaha Baarlamnaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ajandaha laga saaray golaha adeega garsoorka, isla markaana dib loogu celinayo Xukuumadda Soomaaliya, si ay u soo dhameystirto golaha adeega garsoorka.

Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka ee Xildhibaanada oo qadarinaya habsami u socodka howlaha golaha shacabka waxa uu soo jeediyay in Qodobka 28aad Farqadiisa 1aad ee xeer hoosaadka oo u qorneyd sidan “Aqlabiyada tirada guud ee xubnaha golaha noqoneysa guntanka oo ah tirada kooramka 50+1,”

In loo qeexo sida soo socoto

Haddiise dastuurka Federaalku ama xeer hoosaadka golaha shacabka si kale loogu xusin:
Markii ay codeyn jirto guntanka golaha shacabka waxa uu ku ansaxayaa aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka (50+1)
Haddiise aan codeyn jirin guntanka (kooramka) waxa uu ku furmayaa (1/3) saddex meelood meel tirada guud ee xubnaha golaha shacabka.
Mudanayaasha ayaa ka dooday, iyadoo qaarkood ay soo jeediyeen in qodobkaasi aan waxba laga badalin, halka kuwa kale ay taageersanayeen wax ka badalka lagu sameynayo Qodobka 28aad farqadiisa 1aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka.