Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Tababar Muqdisho loogu soo Xeray

0

Ku dhawaad 40 Ciidan oo ka mid noqonayo Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Maanta Tababar loogu soo Xeray Magaalada Muqdisho, Waxaana Munaasabadii xeritaanka ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Saraakiil oo kale oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xeritaanka Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Ciidanka AMISOM iyo Midowga Afrika.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay Munaasabada ayaa la dardaarmay Ciidanka Tababarka loo soo xerayo, waxa uuna kula dardaarmay iney la yimaadaan howlkarnimo iyo iney Daacad ka ahaato Shaqada Booliiska Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in lagu dhiira geliyo Ciidamada Booliiska Soomaaliya shaqada Culus oo ay ka wadaan Dalka isla markaana lagu amaano howlaha ay qabtaan.

Sidoo kale Waxaaa Munaasabada ka hadlay oo la dardaarmay Ciidamada Tababarka loo soo Xeraayay Wasiir ku-xigeenka amniga ee Xukumadda Soomaaliya Cabdinaasir Maxamed Cali.

Wasiirka ayaa sheegay in ay shaqooyin wanaagsan Soomaaliya ka qabtaan Ciidanka Booliiska, waxa uuna xusay in iminka loogu baahan yahay iney sii laba jibaaraan.