MAQAAL:- Dhibanaha aan dhuuman karin ee Hindiya

0

Tiiyoo dastuurka Hindiya uu meel-adag ka joogo in waalidku tijaabo galiyo uur-jiiftiisa suu u go’aansado nuuca dhallaan ee aan wali dhalan, dhal-doorsiga ilma-ridista ah wuxuu wali fal-guud oo la hirgaliyo ka yahay qeybaha Hindiya oo dhan taas oo dhalisay isku dheelli-tir la’aan u dhaxeysa gabdhaha ku wiilasha.

“Waxaad heli kartaa 2,000 oo dhal-gabdho ah oo uurka jiifta in lagu dhex dilo maalin kasta. Qaar ayaa la dhalaa iyaga oo foolka looga dhigay ereyo lagu ayaan-darreynayo,” Maneka Gandhi ayaa u sheegtay NDTV News.

Tira-koobkii 2011 ee Hindiya ayaa muujiyay heerka isku dhignaanta lab-dhedig uu kor u kacay tan iyo tirakoobkii hore, gabdho aad uga tira yar wiilasha ayaa la dhalay halka tirada gabdhaha ka yar lix-jirka ay hoos ugasii dhacday tirakoobkii laqaaday qarnigii 20aad daba-yaaqadiisa.

Warbixin ay soo saartay Britisha Medical Journal ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 12-malyuun oo dhal-gabar ah uurka lagu xabaalay 30—kii sano ee ugu danbeysay taas oo dhalisay koror wiilaleed ka badan gabdhaha 918-g: 1000w sanaddii 2011.

Lab-doorsiga dhaqameed ee caadooyinka Hindiya ayaa wiilasha u arka udub-dhaxaad—nolol kaabayaal qaadi kara qiimaha iyo quudka qoyska iyo xulka lama-huraanka ah ee waalidka—tusmo muhiim u ah diimo badan.

Gabdhuhu, si walba, waxaa aalaaba loo arkaa caqabad ku kallifaysa qoyskeeda inay god u qodaan qoondada guurkeeda si ay hubsadaan dheelaas la go’aansan karo. Dhaqan gudihii u arka in kufka aan la guursan uu yahay ceeb-kugu-hoyatay, waalidku waa iska caadi inuu ka warwaro bad-qabka kufka aan laga guursan.

Gandhi waxay sheegtay in jidaalkii “mashruucii” dowladda ee ahaa “Beti Bachao Beti Padhao” Badbaadi Gabadha, Bar Gabadha” oo looga gol-lahaa in hoos loogu dhigo tirada sii liicaysa ee gabdhaha ay muujisay natiijo tan iyo daahfurkeedii.

“Ma filayno natiijo waa barya iyo gabbal sii guduuta; maalin ama maalmo—waxay qaadanaysa muddo,” ayay Gandhi ku tiri waraysigeedii koobaad ee fogaan-aragga tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay May sanadii hore.

Waxay intaas ku dartay in ol’oluhu keenay koror dhal-dhedigood aan loo baahneyn oo kusoo shubmay xarumaha agoomaha, hayeeshe waxay tani ku tilmaantay fal-celin quman oo ay ula jeeday inay kasoo hayeemeen “in la uur-xabaalo oo ay ku soo hayaameen in la iska xooro.

Hindiya oo ah dal diin ahaan aaminsan Hinduism-ka oo ah diin loogu magac-daray webiga Indus, ayaa 70% dadkeeda waxaa ragaadiyay aramida xanuunka badan ee lagu hayo dhallaanka gabdhahooda. Mar kasta oo dhal-gabar la uur-xabaaliyana, waallidkii laga beeray wuxuu qalbiga ku qabtaa mahadhada xanuunka leh ee dhashiisii uu uurka ku xabaalay.

Inkasta oo gabdhaha Hindiya badigood la uur-xabaalayo, hadana dowladda Hindiya waxay isku dayaysaa xal badala in loo helo mushkiladan walow dadaal u dhigma diifta haysata dadyowga dhibanaha u noqday caadada ay rumaysan yihiin aysan dowladdu si waafi ah u qaban.

Dhal-dhedigoodka Hindiya waxay waligood eersan doonaan dhedignimadooda. Waxayna had iyo jeer ku hari doonaan hayaanka ay ugu soo jiraan inay ifkan cagaaran kusoo biiraan.

Halka inta si fudud kaga soo baxsata in la uur-xabaalana ay abidkood ku adkaan doonto inay sharaxaan sidii ay ugu dhasheen duni aan looga baahneyn dhalashadooda.

Zakariya Hassan ‘Hiraal’

Hiraal114@yahoo.co.uk