TOP NEWS:- Dowlada Soomaaliya oo joojisay duulimaadkii tagi jiray Magaalada hargeyso

0

Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeelgaara u joojisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Hargeysa kadib warqad ka soo baxdey xafiiska Laanta  Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow oo lagu caddeeyay in Dowladda Federaalku si ku-meelgaar ah u joonineyso dhamaan duulimaadyadii u dhexeeyey Muqdisho iyo Hargeysa.

Warqadda ka soo baxdey xafiiska Gen. Gaafow ayaa amar lagu siinayaa shirkadaha Duulimaadyadu in ay muddo 21 cisho ah gudahood ku joojiyaan dhamaan duulimaadyadaas, taas oo ka bilameysa 22/02/2016.

Sababta go’aankan ayaa daba socota go’aamo ka soo baxay Somaliland, kaas oo la xiriira in dadka lagu khasbaayo in ay goostaan warqad la yiraahdo Go Home, lacag dheeraad ahna laga qaadayo, sida lagu sheegay amarka ka soo baxay Gaafow.

Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya General Gaafoow ayaa Ka Hadlay Go’aankan ay Qaateen iyo Waxa uu Salka Ku Hayo

Waxaa jiray dadaalo ay wadeen Xubnaha Beesha Caalamka oo la xiriirta dib ubilaabida wadahadaladii udhexeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kuwaas oo ka dhacaaya dalka turkiga sida qorshaha uu yahay

Wadahadaladii hore qodobadii Kasoo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in la jojiyo Go’aanada iyo hadalada Xanafta leh ee warbaahinta labada dhinac isu mariyaan si aaney usaameyn wadahadalka.

Hadaba Go’aanka dowlada Saameyn intee le’eg  buu ku yeelan karaa sii socoshada wadahadalada waxaa ka hadlaya Gen Gaafoow Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Somaliland ayaa dadka ka soo jeeda gobolada Konfureed ee Soomaaliya ku amartey in ay qaataan Visa ama oggolaansho si ay ugu noolaadaan gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).

warqa