War maxaa loo la’yahay wax la taliya Kenya ?

0

Inta aanan qormadayda bilaabin, Aan marka hore canbaareeyo duqaymaha ay Kenya ka waddo gobolka Gedo ee ay ku beegsanayso dadka rayidka ah, xoolahooda iyo waliba deegaanadooda. Waxaanna leeyahay ma dhici doonto in uu bilaash noqdo dhiigga dadka Soomaalida ah ee sida gardarada ah u dilayso.

Dowladda Kenya, Ayaa maalinba maalinta ka danbaysa waxa ay ku sii bariiqanaysaa xaaladaha isku-qasan ee Soomaaliya, halka ay dhinaca kalena ku sii dhacayso dabinno-dagaaleedyada ay u dhigtay Xarakada Al-shabab ee ka dagaalanta Bariga Qaaradda Afrika. Hadaba maxaa loo la’yahay wax la taliya Kenya ?

Bal inta aanan ka jawaabin su’aashaasi, Aan marka hore waxoogaa ka hadlo qaabkii ay Kenya ku soo gashay Soomaaliya, iyo waliba dhiiqada ay maanta dhexfadhido. Kenya, Ayaa dhowr sano ka hor waxa ay gudaha u soo gashay Soomaaliya, Iyadoo markaasi ku andacoonaysay in ay dabo-socoto dhowr qof oo laga soo afduubay gudaha dalkaasi, Kuwaasi oo afduubkooda ay ku eedaysnaysay Xarakada Al-shabab, inkastoo aan cadayn loo helin arinkaasi.

Soo gelitaankii Kenyaatiga ee gudaha Soomaaliya ayaa ahaa mid sharicdaro ah, Maxaa yeelay ma uusan haysanin wax ogolaansho ah oo dhinaca dowladdi waagaasi jirtay ee uu madaxwynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed. Isqabqabsi iyo buuq badan ka dib, Waxaa kenyaatiga loo ogolaaday in ay ku biiraan howlgalka AMISOM, si loo sharciyeeyo joogistooda dalka iyo faragelintii ay wateenba.

Markii ay sharciyaddaasi heleen ka dib, Waxa ay halkoodii ka sii ambaqaadeen howlihii ay awalba u soo galeen Soomaaliya, Iyagoo dhisay wax ay ku sheegeen maamul goboleed balse aan u bixiyey Buffer Zone State. Kenyaatiga, ayaa u qaatay in dagaalkii uu dhamaaday marba haddii Al-shabab laga saaray Kismaayo iyo nawaaxigeeda. Waxa ay sidoo kale u qaateen in Shabab laga adkaaday marba haddii deegaanadii ay maamulayeen laga dhisay maamul Iyaga hoosyimaada.

Intaasi markii ay dhacday ka dib, Waxa ay jawaab celin ka timid Xarakada Al-shabab,Taasi oo weeraro waaweyn ku qaadday gudaha dalkaasi sida weeraradii Westgate iyo Gaarisa oo kale, Kuwaasi oo gilgilay quluubta malaayiin Kenyaan ah oo aan waligood arag cabsi iyo amaandarro. Intaasi sheekada kuma aysan ekaanine, ee waxa ay Shabaabku weeraro la beegsadeen meel kasta oo ay ku sugnaayeen ciidamo Kenyaan ah sida Ceelcadde oo kale, halkaasi oo uu dhawaan ka dhacday dagaal uu dhiig badani ku daatay.

Haddaan dib ugu soo laabto su’aashayda ah maxaa loo la’yahay wax la taliya Kenya. Anigu runtii garanmaayo waxa loo la’yahay wax la taliya, balse waxa ay ila tahay in aduunyadiiba ay ka sii dhamaanayaan dadkii wanaagsanaa ee nabadda u hiilin jiray. Anigoo ka duulayo dareenkayga dagaal nacaybka ah iyo waliba qadarinta aan u hayo daris wanaagga, Waxaan ku talin lahaa dowladda Kenya in isaga soo baxdo Soomaaliya sababo badan oo jira awgood, Kuwaasi oo aan dib ka faahfaahin doonno

Sidaan soo sheegay, Waxaan qabaa in dowladda Kenya ay isaga soo baxdo Soomaaliya, Maxaa yeelay xaaladda Soomaaliya ma’ahan xaalad ay iyadu wax ka qaban karto ama ay xittaa fahmi karto, Waayo xaaladda Soomaaliyo waa xaalad mucaqad (adag) oo hadana isku-xiran, Taasi oo ay ku adag tahay in uu fahmo qof aan Soomaali ahayn. Waana sababtaasi sababta aan u leeyahay Kenya
ha isaga soo baxdo Soomaaliya.

Runtii, Xaaladda Soomaaliya ma’ahan mid fudud oo ay wax ka qaban karto dowlad sida Kenya oo kale, Waayo waxaa jira waxyaabo badan oo qaabeeya arimaha Soomaaliya sida qabiilka, diinta iyo waliba deegaanka, Kuwaasi oo abuurayo xaalado caqabad ku noqon kara shisheeye kasta oo yimada. Waana sababtaasi sababta ay u fashilmeen iskudayo badan oo la sameeyey. Bal isweydiiyoo inta jeer ee ay Soomaaliya yimaadeen ciidamo shisheeye ? Ma jiraan kuwa ku guulaystay hadafkii ay u yimaadeen ? Laa wallaahi wa Rabbi Mariixaan.

Anigu, waxaan qabaa in Kenya aysan marna ku guulaysan doonin dagaalka ay kula jiro Al-shabab, Maxaa yeelay waa marka hore ma haysato ciidamo xamili kara dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaq ee Al-shabab ku dagaalanto. Waa marka labaade, Ma haysato taageerada dadka Soomaalida ah, gaar ahaan deegaanada ay ka howlgalayso sida Gedo oo kale. Waa marka sedexaade, ma haso istiraatijid ay kula dagaalanto Xarakada Al-shabab oo ka mid ah Xarakaadka ugu waaweyn ee Jihaadiga ah.

Sedexda arimood ee aan soo sheegay iyo kuwa kale oo lagu darayba, Waxa ay keeni karaan guuldarro ku habsata dagaalka ay Kenya kula jirto Al-shabab iyo dadka kale ee ka soo horjeeda faragelinteeda. Sidee guul uga soo hoyn kartaa dal aan dadkiisuba ku doonaynin, bal kugu eedaynayo dhibaatooyin badan oo dhacay sida kuwa hadda ka socda Gedo oo kale. Ma la socotaan inta qof oo rayid ah oo ay dileen diyaaraha Kenya ?

Tan kale, Sow ma haboona horta in la isweydiiyo waxa ay Soomaaliya u baahan tahay waqti xaadirkan, Ma xal siyaasadeed mise xal caskari ah ? Haddii xal caskari shaqeynayo muxuu ugu shaqeyn waayey ciidamadii Soomaaliya la keenay sida kuwii UNITAF, UNISOM iyo kuwii kale ee Xabashida ? Mise caloolbaa lagu daawaynayaa wixii ay ku jiritay ?

Markan hadalka soo uruuriyo, Waxaan leeyahay Kenya waxaa kuu haboon in aad isaga soo baxdo Soomaaliya inta ay goorigoor tahay, oo uusan dagaalkan kugu dheeraanin, Waayo marka aad fiirsato sida ay wax u socdaan, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in uu dagaalkan ballaaran doono, Islamarkaana uu qaadan doonno sanado badan oo aan lagu talogelin. Ogaadana dhamaynta dagaal in uusan ku xirnayn dhinac kaliya sida la arkayba.

Gabagabadii iyo gunaanudkii, Haddaan mar kale isweydiinno, War maxaa loo la’yahay wax la taliya Kenya. Jawaabtu waxaan leenahay, Waxaa yaraaday dadkii nabadda u hiilin jiray, Islamarkaana colaadaha ka digi jiray. Waana sababtaasi sababta ay Dunidan u holcayso. Akhiiran, Waxaan leeyahay Kenyoy, Yuusan kuu rarin cid aan kuu furi doonin. Ogowna in aysan meel ku geyn doonin Aadan Barre Ducaale iyo Axmed Madoobe.
W/D: Muxamed Ibrahim
Al-faatix1960@hotmail.com