Xaflad lagu Caleemo Saaraayay gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka K/galbeed oo Beydhabo lagu qabtay

0

Waxaa Maanta Magaalada Beydhabo ka dhacay Xaflad lagu Caleemo saaraayay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanaka Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Xaflada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Dalka, Wakiilo ka socday Beeesha Caalamka iyo Masuuliyiin kale.

Munaasabada ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxdii ka qeyb gashay waxayna dhamaantood si siman u bogaadiyeen hogaanka Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.