TOOS U DHAGEYSO: Afhayeenka Puntland Quraan Jecel “Garoonka Boosaaso Waxaa Furaya Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha DFS Goob Jooge Ayuu Ka Noqon Doonaa”.

0

Afhayeenka Puntland C/laahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) oo goordhawayd ayaa wareysi uu siiyey Golaha88 ee gorfaynta iyo falaanqaynta Siyaasadda Soomaaliya waxaa uu ka warbixiyey qaban qaabada munaasibadda furitaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso, iyo wufuud kala duwan oo halkaasi shalay ilaa caawa Boosaaso gaaray.

“Waxaa garoonka xarigga ka jari doona Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha dowladda federaalkana goob joog ayuu ka ahaan doonaa,” ayuu yiri Afhayeenka Puntland.

Afhayeenku wuxuu sheegay in magaalada ay ku sugan yihiin wufuud caalami ah oo kala kala socda Shiinaha, Talyaaniga, Midowga Yurub, Jabuuti, Itoobiya, Yemen iyo kuwo kale, hase ahaatee aysan weli magaalada soo gaarin madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Afhayeen Quraan-Jecel wuxuu kaloo sheegay in rag matalaya ganacsato gaaraysa 85 oo ka kala socda Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland waxaa wareysiga ka qaaday wariye Sooyaal oo ka tirsan Golaha88.

Hoos Ka Dhageyso

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media