MAQAAL: Ma maqasheen hadaladii lagu soo dhaweeyey Xabashadii Kismaayo tagtay? W/D: Maxamed Ibrahim

0

Inta aanan u galin hadaladii lagu soo dhaweeyey Xabashadii ka tagtay magaalada Kismaayo, aan marka hore u mahadceliyo Xil. Maxamed Cabdi Yuusuf, Xil. Cabdi Xaanshi iyo waliba Ex Danjire. Abuukar Armaan, Kuwaasi oo dhowr jeer si aan gabasho lahayn u tilmaamay, in Itoobiya ay la wareegtay Soomaaliya, ka dib sanado badan oo ay tabcaysay kooxo Soomaali ah oo u fududeeya damaceeda ku aadan qabsashada dalkaasi.

Sidaad warbaahintaba ka daawateen, Waxaa dhowr maalmood ka hor gaaray magaalada Kismaayo ciidamo ka socda dowladda Itoobiya, Kuwaasi oo lagu soo dhaweeyey hadalo caro badan ku dhaliyey bulsho-weynta Soomaaliyeed, Islamarkaana banaanka u soo saaray xaqiiq in badan oo la qarqarin jiray. Taasi oo ahayd in Soomaaliya aysan ahayn dal xor ah oo madaxbanaan.

Hadaladani, ayaa ka soo kala baxay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Ex wadaad. Axmed Madoobe, Kuwaasi oo kala ah wasiirka arimaha gudaha (Darwiish) iyo kan arimaha bulshada (Macalin Maxamed). Waxaana hadaladoodii ka mid ahaa xilli ay soo dhaweynayeen ciidamada Itoobiya ee kismaayo tagay ” Waan ku faraxsanhay imaanshadiina, Waxaana aaminsanahay inaad timaadeen qeybo ka mid ah dalkiina” Hoos Ka Daawo

Masuuliyiintaasi, ayaanan u kala harin sidii ay farxad-gelin lahaayeen quluubta malaayiin Itoobiyaan ah oo ay ka mid yihiin kuwa majaraha u hayo talada dalkaasi, halka ay aysan wax u reeban quluubta dadka Soomaalida ah ee ay sheegtaan in ay matalaan. Bal aan mid mid u soo qaato hadaladooda, Anigoo waliba is-dultaag ku samayn doona hadaladaasi iyo waxa ay xanbaarsan yihiinba.

Wasiirka Arimaha Bulshada (Macalin Maxamed)

Wasiirkan ayaa yiri hadalo lalayaabay, balse muujinayo nooca shaqsi ee uu yahay, Aqoonta uu u leeyahay dowladnimada iyo dhaqankeeda iyo waliba Ixtiraamka uu u hayo dareenka dadka Soomaalida ah. Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa xilligii uu soo dhawaynayey ciidamadaasi ajanabiga ah ” Waanu ku faraxsanahay imaanshadiina, Waxaana aaminsannahay inaad timaadeen qeybo ka mid ah dalkiina” !

Hadabo aan is-weydiinnee side bay ku dhacday arintaasi. Ma isaga ayaa Xabashi ah, Mise meesha uu ciidamadaasi ku soo dhawaynayo ayaa Itoobiya ah ? Ma ciidamadii uu soo dhawaynayey ayaa Soomaali ah, oo wax ay yimaadeen qeybo ka mid ah dalkooda ? Yacni sidee ku dhici kartaa arintan ? Ma anigaa waalan mise Cadan baa laga heeesayaa !

Wasiirka Arimaha Gudaha (Darwiish)

Wasiir Darwiish ayaa isna u hadlay sida saaxiibkii oo kale, Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” Soo dhawaada, Waana ku faraxsannahy imaanshadiina, Waxaana idin leenahay ku soo dhawaada gurigiinii labaad ” Hadaba aan isweydiinee sideebay ku noqotay gurigoodii labaad ? Ma dhalasho Soomaali bay haystaan ciidamadaasi ? Mise talye Tasfaay iyo ciidamadiisa ayaa muslimoo sidaasay ku noqotay gurigooda ? Mise kuwa ay u yimaadeen ayaa ah walaalahooda xagga diinta, dhalashada iyo afka ?

Waxa sida labadaasi wasiir oo kale iyagana u hadlay rag uu ka mid yahay Fartaag, Kaasi amaan kala duldhacay ciidamada Xabashida ee soo gaartay magaalada Kismaayo. Fartaag, ayaa dhawaanahan caa ku ahaa buunbuuninta Xabashida ilaa uu gaaray heer uu u dabaaldago maalinta calanka Itoobiya, Iyadoo waliba ay xafladdaasi ka dhacaysay meel aan sidaas uga fogeyn qabriga (AUN) Gen. Maxamed Siyaaf Barre.

Anigu, markaan dhuuxay hadalka labadaasi wasiir, Waxaa runtii ii soo baxday in ay labo arin un mid tahay. Waa marka hore in ay nimanku yihiin Itoobiyaan isqarinayey waa siday u badan tahaye, iyo in ay yihiin niman aan waxba kala garanaynin oo iska hadlayo, Islamarkaana iskudayayo soo jiidashada kalsoonida Xabashida, si ay uga adkaadaan kuwa kale ee Soomaalida ee ay is-hayaan sida Kooxda Barre iyo Koonfur Galbeed oo kale.

Waxaa kaloo hadalkani uu cadayn u yahay in uu guulaystay tabicii Itoobiya ee ay mudada dheer maalgelinaysay, Kaasi oo ujeedadiisu ahayd in la helo dad Soomaali ah oo tirtira taariikhda colaadeed ee u dhaxaysa labada dal iyo wixii ay isku haysteenba, Islamarkaana fuliya damaca Itoobiya ee ku aadan kala qeybinta cududda qaran iyo ugu danbeyn qabsahada dalkaasi oo dhan sida haatanba socota.

Hadalada wasiiradan Daaroodka ah, ayaa dhabaynayo doodo ay qabaan dad badan oo Soomaali ah oo isugu jira Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culimo iyo Saraakiil ciidan, Kuwaasi oo ku doodayey in Itoobiya ay la wareegtay Soomaaliya min Waqooyi ilaa Koonfur. Waxaana dadkaasi ka mid ah Xil. Maxamed Cabdi Yusuf, Xil. Cabdi Xaanshi iyo waliba Ex Danjire. Abuukar Armaan. ” Waan ku faraxsanahay imaanshadiina, Waxaanna aaminsanahay inaad timaadeen qeybo ka mid ah dalkiina ” !

Anigu markaan fiiriyo aqoonta aan u leeyahay Itoobiya, damaceeda ku aadan Soomaaliya iyo waliba waxyaabaha maanta dhacayo, Waxaan runtii ku doodi karaa in uu guulaystay qorshihii guracnaa ee Itoobiya ay ka lahayd Soomaaliya, maadaama la helay dad Soomaali oo u diyaar ah fulinta qorshahaasi . ” Soo dhawaada waan ku faraxsanahay imaanshadiina, Waxaanna aaminsanahay inaad timaadeen dalkiinii labaad ” !

Markaad u fiirsato dhadhaqaaqyada ay Itoobiya ka waddo Koonfurta iyo Bartamaha dalka, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in ay xittaa la wareegtay guud ahaan howlgalkii AMISOM. Bal fiiriya inta gobol ee ay maanta ka howlgasho, Iyadoo waliba ah dowladdii ugu danbaysay ee ku soo biirta howlgalkaaasi. Waa Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay, Gedo, Jubba hoose iyo waliba Jubba Dhexe oo ay haatan ku socoto.

Waxaa kaloo kuu soo baxaysa in ay xittaa la wareegtay dowrkii ay lahayd Dowladda Federaalka. Yey maanta isku dacweeyaan maamul goboleedyada dalka ka jira ma Dowladda Federaalka mise Dowladda Itoobiya ? Yaa haatan ku kala dhexjira Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ? Koonfur Galbeed iyo maamulka Bakool-Sare ? Yaa maamula kooxda Suufiyada iyo Somaliland ? Xageese looga taliya gobolka GEDO ? Ma Doolow Addo mise Garbahaaray ?

Arimahan oo dhan ayaa dhacayo xilli ay dalka ka jirto dowlad dhexe oo ay horboodayaan kooxo sheegan jiray wadaaddo, balse maanta ka daray Siyaasiyiintii Cilmaaniyiinta ahayd, Kuwaasi oo had iyo jeer wax ka sheegi jiray dowladihii dalka soo maray iyo waliba ururadii kale ee ay ka midka ahaayeen urutkii Al-itixaad Al-slaami.

Markaad u fiirsato ragga maanta horboodayo Itoobiya, Waxaad arkaysaa runtii in ay u badan yihiin rag ka tirsanaan jiray Xarakaadkii Islaamiga ahaa ee dalka soo maray sida Itixaad iyo Islaax oo kale. Musiibadan ku habsatay shaqsiyaadkan ayaa loo aanaynayaa in aysan markii horaba daacad ka ahayn diintii ay sheegan jireen amaba uu hungur iyo xukun jacay ka leexiyey wadadii ay ku socdeen. Tacissa Cabdu diiraan wa dirham.

Aniga ka mufakir ahaan iyo waliba qoraa Soomaali ah, Waxaan dhinacayga balanqaadayaa inaan tilmaamo nooca dowladi ee aan u baahannahay waqti-xaadirka la joogo iyo Iyadoo waliba la ilaalinayo qayimka dadka Soomaalida ah iyo waliba waxyaabaha ay u baahan yihiin, si looga gudbo marxaladdan adag ee lagu jiro. Waxaan sidoo kale tilmaami doonaa nocaa hogaamiyaal ee loo baahan yahay marxaladdan la marayo.

Markan warka soo koobo, Hadalka wasiiradani waxa uu cadayn u yahay in maamulka Jubba uusan ahayn maamul Soomaaliyeed, bal uu yahay maamul Itoobiyaan, oo lagu doonayo in lagu qabsado Soomaaliya, Iyadoo marmariisyo laga dhiganayo la dagaalanka Al-shabab. Waxa uu sidoo kale hadalkani cadayn u yahay doodo ay qabeen dad badan oo Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Yuusuf, Cabdi Xaanshi iyo Abuukar Armaan, Kuwaasi oo sheegi jiray in Soomaaliya la qabsaday.

Gaba gabadii iyo gunaanudkii, Waxaan mar kale idin xusuusinayaa hadalkii qaracanka badnaa ee lagu soo dhaweeyey Xabashadii tagtay magaalada kismaayo ee waliba masuulka ka hayd burburkii ku dhacay Qarankeeni, Haatanna masuulka ka ah fowdada siyaasadeed ee ka socota dalkeena iyo waliba daciifinta lagu hayo Dowladda Federaalka, waana kan hadalkii fooshaxumaa ” Waan ku faraxsanahay imaanshadiina, Waxaanna aaminsanahay inaad timaadeen qeybo ka mid ah dalkiina ” !

Xusuusin: Hadalkani wuxu ku duuban yahay quluubta malaayiin Soomaali ah oo ku kala nool dunida dacaladeeda. Waxa uuna sidoo kale ku duuban yahay galalka lagu xafido taariikhda. Insha alaahuna waxaana Jiri doonta waqti qof kasta oo Soomaali ah lagula xisaabtami doonno wixii uu gaystay iyo wixii uu ku hadlayba.

W/D: Maxamed Ibrahim
Al-faatix1960@hotmail.com