TOP DHAGEYSO WAREYSI|Maleeshiyo Beeleedka Raaskanbooni Oo Dad Rayid Ah Ku Laayay Duleedka Kismaayo.

0

Wararka naga soo gaaraya Duleedka magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Xalay lagu dilay Dad Rayid ah .

Wararka  AGGM ilo wareedkeeda ay soo sheegayaan ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dadkan ay dileen Meelshiyo Beeledka Raaskanbooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada Somaliya Ee Gobolka Jubbada Hoose Oo u waramayay All-Galgaduud Media ayaa sheegay in Ciidamada Horjooge Ax’ed Madoobe ay ka danbeeyeen Dilka loogeeystay Dadkan Rayidka ah oo Aan Wax galabsan.

Dadkan Rayidka ahaa ayaa la sheegay in lagala baxay Guryahoodii kadibna la dilay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ee ku kooban gudaha Magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeeyaa in ay geeystaan Xadgudubyo ka dhan ah Dadka Daga Deegaanada Gobolka Jubbada Hoose.

Mana aha Wax cusub Xasuuqa iyo Leynta Dadka Shacabka Ah Ee Lagala Baxo guryahoodda kuwaas oo lagu laayo duleedka magaaladda qaarkood Xeebta lala Tago Oo Sidii larabo Layeelo Xitaa Dumar Horre sida oo kale loogalay.

Dowladda Uu Hogaamiyo Xasan Sheikh Ee Cagajiidka ah ayaan waxba ka qaban xasuuqa maleeshiyo beeledka Kismaayo heysta waxaanna Hadda xitaa aan wanaagsaneen xiriirka Xasan Sheikh iyo Axmed Madoobe Kadib is dorashadiisii Kismaayo.

Hoos ka dhageeyso Codka.