XOG:Riyadii Beenta Aheyd Ee Axmed Madoobe Ee Gobolka Gedo Oo Saacadaha Soo Socda Soo Afjarmeysa.

0

Dhawaan ayay ahayd markii uu Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni uu ku dhawaaqay in uu maamul cusub usoo magacaabay gobolka Gedo, sidii in uu isagu awood u leeyahaya in uu maamul u magacaabo gobolka Gedo.

Horjooge Axmed Madoobe oo kaashanaya Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan waxa uu sheegay in uu u magacaabay gobolka Gedo Maamul cusub taas oo ay dadka intiisa badan ku tilmaameen nin soo jeeda oo riyoonaya warkiisa.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu ka codsaday saraakiisha ciidamada Itoobiya ee xuduuda magaalada Doolow Soomaaliya in la xabiso dhamaan Maamulka iyo Saraakiisha gobolka Gedo oo ay ugu horeeyaan Gudoomiye Maxamed Cabdi Kaliil, Imaan Cadoow Kaarshe iyo Mas’uuliyiin kale iyo saraakiisha gobolkaasi.

Waxaa gabi ahaan fashil iyo ceeb kusoo dhamaaday isku daygaas aysan u meel dayin Horjooge Axmed Madoobe iyo Horjoogeyaasha kale ee maleeshiyo beeleedkiisa.

Isku soo wada duuboo waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in Riyadii Beenta Aheyd Ee Axmed Madoobe soo shaac baxdo inay fashilantay taas oo noqon doonta furaha burburka Axmed Madoobe iyo Maleeshiyo Beeleedkiisa Raaskambooni.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media