TOP DHAGEYSO WAREYSI: Xildhibaan Goodax”Madaxweynaha Hay’addaha Dastuuriga ah ayuu Faragalin ku hayaa”.

0

Wasiirkii hore Ee Wasarada arrimaha gudaha Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid  ah xildhibanada wada Mooshinkaa ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh  ayaa isago la hadlayey Warbaahinta Dowladda waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan uu faragalin joogta ah ku haayo hay’adaha dastuuriga ah Ee shaqadiisa ka madax banana.

C//aali Goodax waxa uu sheegay in Madaxweynaha hadii uu sii joogo dowladu aysan  waxba ku qaban karin mudada sanadka ah Ee u hartay.

Isagoo hadalkiisa sii wata xildhibaan Goodax waxaa uu sheegay maadama dalka uusan laheyn Maxkamad Dastuuri ah aysan sameyn ku yeelan karin Mooshinkooda ah xil ka qaadista Madaxweynaha.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyey Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh  Max’uud kuwaas oo sheegay in Madaxweynahu uu dalka dib u dhac galiyey mudadii uu talada hayey.

HOOS KA DHAGEYSO :