DAAWO MUUQAAL: Faarax Sheekh C/qaadir oo ka hadlay Mooshinka laga keenay Saaxiibkiis Xasan Sheikh+Wareysi Xasaasi Ah.

0

Wasiirkii hore Wasaaradda Garsoorka & Dastuurka Somaliya, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed ahna Xildhibaan Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa ka hadlay fekerkiisa ku aadan Mooshinka Madaxweynaha Somaliya laga keenay toddobaadkii hore.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa sheegay Mooshinkan inuu qayb ka yahay dhacdooyinka ama xiisadaha taagan ee dalka ka jira, kuwaa oo sida uu sheegay jira amaba socda maalmo kooban uun.

Sidoo kale waxa uu sheegay dhacdadan inaanay ahayn middii ugu darneyd oo dalka ka dhacda, isla-markaana uu dalka soo maray marxalado kala heer duwanaa. Waxa kaloo uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inaanu ahayn Madaxweynihii ugu horeeyay oo Mooshin laga keenay. Wixii ka dambeeyay xilligii burburka.

Faarax Sheekh C/qaadir oo la hadlay Wargeyska Xaqiiqa Times, ayaa hoosta ka xariiqay Mooshinkan inay dhabarka ka riixayan Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, iyadoona uu jiro xaquuq uu sheegay inuu Dastuurka Qabyo Qoraalka siinaayo Xildhibaanadaasi.

Waxa uu soo hadalqaaday in waxa muhiimka ah uu yahay in wax leeska weydiiyo oo la fahmo waxa ka jira eedeymaha loo soo jeediyay Madaxweynaha iyo inay munaasab tahay iyo in kale, waqtigan Mooshinka laga keenay Madaxweynaha. Maadaama wax ka yar 12 bilood ay u harsan tahay Dowladda, dadkuna ay doonayan in marxalad cusub looga gudbo sanadka 2016-ka.

Iyadoo laga duulaayo waqtiga lagu sugan yahay, ayuu ku waramayaa inaanay munaasab ahayn in Mooshin laga keeno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, isagoona sababta ku sheegay iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay Xukuumadda iyo Baarlamaankuna ku mashquulsanaayen, wixii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka. Haddii leesku raacay inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo codkii (Xalaal) ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu bidhaamiyay in Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ku heshiiyen, qaabkii loo mari lahaa wada hadalada lagu doonaayo in sanadka 2016-ka looga gudbo amaba lagu qabto doorashada, inkastoo aanu sii faah faahin waxa uu yahay heshiiskaasi leesku waafaqay.

Faarax Sheekh C/qaadir wuxuu xusay in la sameeyay Guddiyo uu isagu xubin ka yahay, kuwaa oo sida uu sheegay loo igmaday inay ka soo shaqeeyan, dhabihii dalka lagu haggi lahaa, kolka la gaaro 2016, isla-markaana ay socotay hawshaas, oo u baahneyd in wax leeska weydiiyo, oo meeshaba aynaan oolin Mooshinka xilligan laga soo gudbiyay Hogaamiyaha Wadanka.

Faarax, ayaa Mooshinkan ku fasiray mashruuc uun ay wataan Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood, isagoona meesha ka saaray suurta galnimada inay ku lug lahaan karaan dhinacyo shisheeye, xilli uu jiro in dad shisheeye ay lee yihiin abaabulka Mooshinkaasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa kuu muuqanayso inay si weyn ugu kala qaybsan yihiin Mooshinkan in xilka looga eryo Madaxweynaha. Xildhibaanada ayaa ah kuwo laba daraf ka kala joogga dhaqangelinta Mooshinka.

Beesha Caalamka, ayaa toddobaad ka dib dhex dhexaadin ka dhex bilowday Madaxweynaha iyo Xildhibaanada, xilli qalqal siyaasadeed uu dalka ka abuuray Mooshinkan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA :