DHAGEYSO: Gudoomiyaha KMG Ah Ee Garowe oo Maanta isa soo sharaxay.

0

Ku Simaha Xilka Duqa magalada Garowe Axmed Siciid Geelle Shoodhe ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka degmada, ka dib shir jaraa’id uu ku qabtay Garowe.

Axmed Geelle ayaa marka hore shirkiisa jaraa’id ku faah faahiyay afartan iyo shantii cisho ee loosoo magacaabay degmada wuxuu qabtay, wuxuna sheegay inay ka mid ahaayeen adkaynta ammaanka, xoojinta nadaafada xaafadaha iyo wada shaqaynta mamulka dowladda hoose iyo guddiyadda xaafadaha.

mush

Waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono haddii uu ku guulaysto xilka duqa degmada, horumarinta canshuurta dadka laga qaado, sare u qaadista shareecada Islaamka, adkaynta ammaanka iyo ka shaqaynta horumarinta Caasumadda Garowe.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa doorashada inay ka qabsoonto xarunta Hay;adda PDRC halkaasoo lagu soo bandhigayo khudbadaha tartamayaasha.

Hoos ka dhageyso: