Maqaal: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Si Dalka Iyo Dadka Loo Bad Baadsho Waa In Uu Iscasilaa.

0

Musiibada iyo Ceebta ku habsatay Soomaaliya maalinba heer ayay soo mareeysay marka loo eego Musiibooyinki hore iyo mida Maanta taagan waxaa aad u xun unna qatar badan Musiibada maanta nahaysata hadaynaan caqli iyo cilmi kaashana waxay sababi kartaa in Dalka oo dhan uu gacantayada ka wada baxo.

Haddaba si loo bad baadiyo Dalka si uusan gacantayada uga bixin waxaa xalka koowaad ah markaan eegno qodobada soo socda in Madaxdweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Iscasilo.

Caqabada Soomaaliya waxay taagneyd awal oo kaliya Koonfur iyo Waqooyi (Somaliland) maanta waxay taagan tahay in Qabiil walbaa Maamul Sameysto isagoo caburinaya dadka aan u dhalan qabiilkaas ee deegaanka la wadaaga.

Koonfurta Soomaaliya waxaa loo qeybiyay sidan soo socota marka laga reebo Reer Puntland oo iyagu ugu horeynti sameystay Maamulka Puntland…

Koonfur inteedi kale waxaa loo qeeybiyay Jubbaland, Koonfur-galbeed, Gobolada Dhexe oo uu hadda socdo Maamul Usameyn aan dadka deegaanka u dhameyn iyo Gobolka Banaadir oo aan la ogeeyn halka uu raacsan yahay.

Dhamaan kala qeybintaas iyo Hardanka beelaha daga Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa qayb door leh ku leh unna ololeenaya dowladda Itoobiya iyo Kenya ee deriska la ah Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu si toos ah isugu dhiibay amaba Awliyaa ka dhigtay Dowladda Itoobiya oo aanu wada ogsoon nahay qorshaheeda guracan ee ku aadan Soomaaliya.

Itoobiya ayaa horey waxay si toos ah amaba si dadban u maamuleysay Puntland iyo Somaliland, haddana waxaa Muuqata inay sidoo kale maamulayso ama daadihinayso Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, halka ay wado amaba uu socdo qorshaheeda Gobolada Dhexe.

Soomaaliya gabi ahaan si toos ah iyo si dadbanba waxaa maanta u Maamula marka laga soo tago beesha Calamka waa Itoobiya oo maamulada dhana ay ka amar qaataan, Madaxweyne Xasan Sheekh oo la doonayay inuu qorshahaas qatarta ah ka hortagana waxa uu u xuubsiibtay Xubin ka tirsan qabqablayaasha u adeega dowladda Itoobiya..

Sidaa awgeed inta damiirka iyo dhiiga Soomaalinimo uu ku dmabeeyo haddii ay joogaan dalka gudihiisa ama dalka dibeediisaba waxay aad u daneenayaan amaba doonayaan Maadaamada dalka uu galay marxalad qatar ah in Mdaxweyne Xasan Sheekh Xasan uu iscasilo si dalka looga bad baadsho hagardaamada loo soo maleegay.

Mudane Madaxweyne dareenka Shacabka Damiirku ku dambeeyo ee Soomaaliyeed ha u qaadan si kale ee waa shaqsi waxaa ka muhiimsan kana weyn Bad baadinta dalka sidaa awgeed fadlan Iscasil si ay taariikhda kuu xusto oo aad uga gasho baal dahab ah.

Madaxweynaha hadduu ka dhago adeego dareenka Shacabka ee ah Inuu Iscasilo, waxaa hubaal ah in Dalka Iyo Dadka Soomaaliyeedba ay ku dhimanayaan Gacantiisa, cawaaqib xumada ay keentana isagaa qaadaya beri Mas’uuliyadeeda waa Haduu Iscasilin intay goori goor tahay.

Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa dalka idinka Saaran Mas’uuliyad waadna aragtaan halka uu marayo, dhaarti aad u dhaarateen dalka iyo dadka balanteedi maanta ayaa laydinka sugayaa ee oofiya oo bad baadsha Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaankow waxaad maanta ku guuleysateen in aad diidaan golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magaacabay R/wasaare Cumar Cabdirashiid, taas oo muujinaysa awoodiina hadii aad daacad ugu shaqeynaysaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, hal mid ahna waa ay idinka dhiman tahay Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu Iscasilaa, taas ayaa waxa ay tahay maslaxada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee u soo bandhiga hadduu idinka diidana kalsoonida kala laabta oo ku rida cod aqlabiyad leh, waana abaalka ugu wanaagsan oo aad ku heli kartaan kalsoonida dadkiina kuna bad baadin kartaa Dalkiina, BAD BAADSHA DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED.

Gabagabadi, Waxaan ku soo gabagabeynayaa Qoraalkaygan Xalka Soomaaliya in uu ku jiro in Soomaaliya maanta ay u baahan inay hesho Madaxweyne amaba Madax ay ku jirto damiir Soomaalinimo, wax walbana ka hormarinya Danta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Wabilaahi towfiiq

Xasan Faarax Jaamac (Axyaa Wadani)

Nairobi, Kenya