TOP DHAGEYSO:- Wasiirka Waxbarashada oo maanta su’aalo weydiiyeen xildhibaanada Baarlamaanka.

0

Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Khadra Bashiir Cali ayaa maanta hortagtay iyadoo ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed ay su’aalo ka weydiiyeen heerka waxbarashada dalka.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in u yeerista Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay u cuskadeen qodobka 69aad ee Dastuurka Dalka iyo qodobka 72aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Sacabka, isla markaana u jeedku yahay in wasiirka su’aallo laga weeydiiyo arrimaha waxbarashada dalka.

Khadra Bashiir Cali Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda oo khudbad ka jeedisay kulanka ayaa uga mahad celisay Baarlamaanka u yeerista oo muujineysa isla xisaabtan dhab ah oo dhexmara hay’adaha dowladda, waxaana ay Baarlamaanka faahfaahin ka siisay waxyaabaha wasaaradda u qabsoomay mudada lixda bilood ah ee ay heyso xilka Wasaaradda.

Wasiirka waxbarashada ayaa waxa ay ka codsatay mudanayaasha Baarlamaanka inay dejiyaan sharci mamnuucaya in goobaha waxbarashada oo ay ugu horeeyaan iskuullada la deegaameeyo.Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay inay Wasiirka Waxbarashada weydiiyaan su’aallo, waxaana su’aallaha Xildhibaannada ka mid ahaa:- hirgelinta barnaamijka aada dugsiyada (Go to school) sida loo maamulo deeqaha waxbarasho, qaadista imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare, bixinta shahaadooyinka, tababarada macalimiinta, qorshaha Wasaaradda 2015/2016, sameynta sharciyada waxbarasho iyo in gobolada dalka lagu baahiyo adeegyada Waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Khadra Bashiir Cali oo Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabtay su’aalaha ay weydiiyeen waxayna xustay in deeqaha Waxbarasho ay Wasaaraddu si siman ugu qeybisay gobolada dalka iyadoo taasina lala kaashaday maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana sidoo kale ay si gaar ah faahfaahin uga bixisay qorshaha wasaaradda ee ku aadan ardayda aanan gelin imtixaankii dugsiyada sare.

32 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa isku qoray inay su’aallo weydiiyaan Wasiirka Waxbarashada, hase yeeshee 7 Xildhibaan oo kaliya ayaa su’aallo weeydiiyey maanta, iyadoo ay hareen 25 xildhibaan oo lagu wado in berri ay su’aalo weydiiyaan wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare. Sidoo kale waxaa loo qeybiyay mooshin xildhibaanada ay ku dalbanayaan in wax loogaga bedelo Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

HOOS KA DHAGEYSO|