TOP DHAGEYSO : Maamulka Goboladda dhexe ee Ahlusunna Oo Ka Digay Ciidamo iyo Hub Lagu daad Gureynayo Cadaado+Xiisad.

0

Shir saxaafadeed lagu qabtay dagmadda Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa baaq loogu diray dowladda fedraalka ah ee somaliya.

Madaxweyne ku xigeenno Ka Tirsan Dowlad Goboleedka Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Oo Maanta saxaafadda la hadlay Waxeyna digeen in colaad laga dhex huriyo shacabka dega Gobollada Dhexe ee Bartamaha dalka Soomaaliya wuxuuna dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in Ciidamo iyo hub ay ku daad gureyneyso taas oo uu ku sheegay mid lagu qal qal gelinayo ammaanka Gobolka Galgaduud sida uu hadalka u dhigay.

Ayagoo Arimahaasi kasii hadlaya ayeey Sheegeen in Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ay aqoonsantahay dowladda Dhexe hayeeshee ay ka digayaan dowladdu in koox gaar  ah ay  u garbiso loona  baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo danta dadka dega Gobollada dhexe.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa shir ay marti gelisay lagu soo dhisay Maamul Dowladda iyo Beesha Caalamku aqoonsan yihiin ee Galmudug xilli Ahlusunna Waljamaacana ay ka bar bar dhiseen Maamul kale ay ugu Magac dareen dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe.

DHAGEYSO WARBIXIN: