TOP DHAGEYSO: Gudoomiyaha Dagmadda Ceelbuur oo beeniyay in Ciidamada AMISOM ay ka baxeen Deegaanka Ceel-garas Ee Gobolka Galgaduud.

0

iyadoo ay soo baxayeen Warar sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ay iskaga baxeen Degaano ka tirsan Gobolka galgaduud oo ay kamid yihiin Ceel-garas iyo Ceel-lahelay oo hoostaga Degmada Ceelbuur ayaa waxaa Wararkaasi beeniyay Maamulka Degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Warkaasi uu wax kama jiraan yahay islamarkaana Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ay ku sugan yihiin Degaanadasi.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Ciidamada Milatariga Soomalaiya oo Garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay halkaasi ka wadaan Baaritaano lagu xaqiijinayo Amniga loogana saarayo Shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay Gacanta ku dhigeen degaanada kala ah Ceelgaras iyo ceellehelay ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya.