Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Oo Dilay Oday Aadan Cabdi Ajuuraan

0

Kismaayo(AGGM) Maleeshiyaadka Raaskambooni ee ka amar qaata Horjooge Axmed Madoobe ayaa si bareer ah u dilay Alle ha u naxariistee Oday Aadan Cabdi Ajuuraan oo ahaa nin da,a isla markaasna si weyn looga yaqaanay degaanada Jubooyinka,waxaana da,diisa lagu sheegay ilaa 78 sano.

Aadan Cabdi Ajuuraan waxa uu goob ganacsi ku lahaa degaanka Buulo Gaduud halkaasi oo uu ku haystay dukaanka,waxaana la sheegayaa inay saaka maleeshiyaadka Raaskambooni ay dukaankiisa ka wateen isla markaasna ku dileen wadada u dhexeysa Buulo Gaduud iyo Yoontey.

Dadka Degaanka Buulo Gaduud ku sugan waxay Warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijiyeen in Maleeshiyaadka Raaskambooni ninkaasi odayga ah halkaasi saaka ka wateen isla markaasna saarteen gaari Cabdi Bile ah,waxaana ay sheegeen in waqti yar ka dib maydkiisa laga soo helay wadada u dhexeysa Buulo Gaduud iyo Yoontey.

Aadan Cabdi Ajuuraan ayaa ahaa nin  da,a ah oo aan wax siyaasad ah ku lug lahayn,waxaana la sheegayaa inay dhamaan agabkii dukaankiisa yaalay ay rarteen Maleeshiyaadka Raaskambooni,.waxaana falkani lagu tilmaamay talaabooyinka Maleeshiyaadka Raaskambooni ku xasuuqayaan shacabka jubooyinka ee aan waxba galabsan.

Ugu dambeyntii Maleeshiyaadka Raaskambooni ee uu horjoogaha u yahay Axmed Madoobe ayaa dhibaato baahsan ku haya shacabka ku dhaqan gobolladda Jubooyinka gaar ahaan kuwa ku sugan Magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda,waxaanay wadaan qorshe ay ku barakicinayaan cid kasta oo aan dooneyn rabitaankooda,waxaana dhaqamadda Maleeshiyaadka Raaskambooni yihiin kuwo laga soo min-guuriyey Degaanaada Gaarisa guubaay iyo kilinka 5-aad oo ayaga sidaasi loogu sameeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com